4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008
Shirkii Muqdisho uga socday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka oo Go’aanno laga soo saaray

Isniin, March 17, 2008(HOL): Shir shalay iyo maanta gelinkii hore uga socday Magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa  gunaanadkii shirkaas waxaa ka soo baxay go’aanno ku saabsan dib u heshiisiinta iyo sugidda Nabadgelyada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa markii uu shirkaas soo gebageboobay waxaa uu qabtay shir jaraa’id oo uu ku faah-faahiyay waxyaabihii shirkaas looga hadlay, wuxuuna sheegay in shirka ay ka soo baxeen qodobo ay ka mid ahaayeen in Ciidamada Nabadgelyada Qaranka ay ka shaqeeyaan sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida shacabka, isla markaana ay u soo noqon lahaayeen Dadkii Muqdisho ka barakacay.

Sidoo kalena, Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu sheegay in la isla gartay in ay Ciidamada fududeeyaan dib u heshiisiinta, isla markaana aysan caqabad ku noqon dadka Dib u heshiisiinta ku howlan, isagoo si gaar ah u faray Ciidamada in ay noqdaan kuwo leh sumcad ciidan oo aysan dadka ka cararin marka ay arkaan.

Xubnaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayuu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde  sheegay in iyana la isla gartay inay xor u yihiin dhaqdhaqaaqyadooda, isagoo Odayaashaasna ugu baaqay in ay ka qeybqaataan Nabadeynta iyo dadaalka dib u heshiisiinta ah ee socda.

Wuxuu baaq u diray Ra’iisal Wasaaraha ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu ka codsaday in ay ka qeybqaataan nabadeynta iyo dibu heshiisiinta, isla markaana ay bixiyaan canshuuraha ay Dowladda uga baahan tahay, si markaas loo sugo ammaankooda.

Go’aannada ka soo baxay Shirkii shalay iyo maanta iyo gelinkii hore u socday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa waxay yihiin kuwo haddii la dhaqangeliyo ay wax badan iska bedelayaan dhibaatooyinka ka jira Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan tacaddiyo ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayaan dadka shacabka ah iyo weliba Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo qaarkood horay xabsiyo loo dhigay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxaa la dhowrayaa sida ay u dhaqangalaan Go’aannada ka soo baxay shirkii Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, kaasi oo ku soo beegmay iyadoo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ay sheegeen in ay Muqdisho isaga baxeen kadib markii ay ka war heleen in si gaar ah loo raadsanayo, sidoo kalena shirkan ayaa ku soo beegmay iyadoo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Waddooyinka laga galo Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Isgoysyada Howl-wadaag iyo Aadan Cadde ay in muddo ah u xayiran yihiin dhaqdhaqaaqii Dadka iyo Ganacsiga ee Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia