3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda Degmada Afgooye oo lagu toogtay gudaha Degmadaas

Isniin,  March 17, 2008(HOL): Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta waxay toogteen ku xigeenkii Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Degmada Afgooye, kaasi oo lagu magacaabi Jiray C/qaadir Jibriil Cali.
 
Taliye ku xigeenka ayaa lagu toogtay Bartamaha Suuqa Qaadka ee Xaafadda Dhagax-tuur ee Degmada Afgooye, waxaana la sheegay in ay toogashadiisa ka dambeeyeen seddex dhalinyaro ah oo Bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo baxsaday kadib markii ay dilka geysteen.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa daqiiqado kadib markii uu dilka dhacay soo gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo degmadaas ku sugan, kuwaasi oo meydkii marxuumka u qaaday Xaafadda Dhagax-tuur ee degmada Afgooye.

Sarkaalkan maanta la toogtay ayaa waxaa uu haa sarkaal kaligiis ku soo haray Taliska Nabad-sugidda Degmada Afgooye kadib markii la dilay Taliyihii Nabad-sugiida Degmada, kaasi oo ay isna rag hubeysan toogteen 22-kii bishii hore ee aynu ka soo gudubnay.

Dilka loo geystay Sarkaalkan ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Degmada Afgooye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay loogu dilay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo ay jireen kuwo aan Dowladda ka tirsaneyn oo la dilay.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
3/17/2008 12:31 PM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): 9 Ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal ku dhexmaray labo maleeshiyo Beeleed Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

3/17/2008 12:12 PM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Shir shalay iyo maanta gelinkii hore uga socday Magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa gunaanadkii shirkaas waxaa ka soo baxay go’aanno ku saabsan dib u heshiisiinta iyo sugidda Nabadgelyada Muqdisho.

3/17/2008 12:11 PM EST
Isniin, 17 March 2008 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku baaqday in dalka oo dhan laga sameeyo isu soo bax ballaadhan oo roob-doon ah iyo saddex maalmood oo Soon ah, kadib markii abaarta dalka ka jirtaa ay sii daba-dheeraatay, isla markaana ay ku baahdey qaybo badan oo dalka ka mid ah.

3/17/2008 6:44 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka waaberigii gaareen Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo horay loogala wareegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3/17/2008 5:49 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Qiimaha lagu kala iibsado raashinka quutul daruuriga ah iyo shidaalka ayaa waxaa ku yimid sare u kac aad u weyn, kaasi oo si weyn u saameeyay dadka aan dhaqaalaha buuran lahayn ee nolol maalmeedka la dagaalama.

3/17/2008 5:48 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Gudoomiyihii hore ee Degmadda Beledweyne Axmed Gobey Cawaale ayaa heenimadii xalay waxaa ay kooxo hubeysan ku dileen Deegaanka Ceel-dheer oo 5km u jira Degmadda Gure-ceel ee Gobalka Gal-gaduud kadib markii kooxo hubeysan ay kala tageen Mas'uulka gaarigii uu la socday.

3/17/2008 5:46 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax ayaa jawaab ka bixiyay hadal saxaafadeed uu shalay sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

3/17/2008 5:45 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Cabdulle Axmed ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Degmadiisa uusan hoos-tegin maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay degmadiisa ka go’day Gobolkaas.

3/17/2008 5:43 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inuu guddi saddex xubnood ah u magacaabay khilaafka u dhexeeya xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kadib markii Guddoomiyaha Komishanku dhowaan u gudbiyey Madaxweynaha qoraal uu ku dalbanayo in la soo beddelo xubin ka mid ah Komishanka oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Lixda xubnood ee kale ee Komishanku ay isku raaceen in aanay wada shaqayn karin xubintaas.