3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Sh/hoose oo beeniyay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
Isniin,  March 17, 2008(HOL): Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax ayaa jawaab ka bixiyay hadal saxaafadeed uu shalay sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
 
Maxamed Dheere ayaa hadal saxaafadeedka uu bixiyay wuxuu ku sheegay in weerar dhawaan lagu qaaday Siinka Dheer iyo Deegaannada Ceel Carfiid iyo Caliyaale laga soo abaabulay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo sheegay in uu Deegaankaas gabaad u yahay kooxaha la dagaalama dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Nuuriye Cali Faarax waxaa uu sheegay in hadalka Maxamed Dheere uu ula muuqdo mid uu ujeeddo ka lahaa, isla markaana uu ku doonayo in uu mar kale ku sii barakiciyo dadka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha oo markoodiihore ka soo qaxay Magaalada Muqdisho.
 
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax waxaa uu sheegay in Maxamed Dheere laga doonayo in uu caddeyn buuxda u keeno hadalka uu sheegay  ee ah in deegaanka Ceelasha Biyaha ay ku dhuuntaan Kooxaha la dagaalama Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
“Maxamed Dheere haddii uu run sheegayo muxuu u dhihi waayay dagaalkii lagu qaaday Ex Koontarool Balcad iyo Warshaddii Baastada waxaa laga soo abaabulay Galgalato”ayuu yiri Nuuriye Cali Faarax oo sheegay in
 
Nuuriye Cali Faarax waxaa uu intaas ku daray in Maxamed Dheere uu yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markaana uusan ahayn Ra’iisal Wasaare ka hadli kara arrimaha Gobollada Dalka Soomaaliya guud ahaan.
 
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, maamullada Gobolka Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ayaa dhowr jeer oo hore waxay iskula dhaceen arrimo ku saabsan xuduudka labada gobol iyo weliba canshuur ka qaadista Gaadiidka labada gobol ee isu tallaaba, iyadoo xitaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose uu gaaray in uu joojiyo in ay gaadiidka wata sumadda Gobolka Banaadir ay u tallaabaan dhinaca Gobolka Shabeelaha Hoose.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia











Click here
3/17/2008 12:31 PM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): 9 Ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal ku dhexmaray labo maleeshiyo Beeleed Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

3/17/2008 12:12 PM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Shir shalay iyo maanta gelinkii hore uga socday Magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa gunaanadkii shirkaas waxaa ka soo baxay go’aanno ku saabsan dib u heshiisiinta iyo sugidda Nabadgelyada Muqdisho.

3/17/2008 12:11 PM EST
Isniin, 17 March 2008 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku baaqday in dalka oo dhan laga sameeyo isu soo bax ballaadhan oo roob-doon ah iyo saddex maalmood oo Soon ah, kadib markii abaarta dalka ka jirtaa ay sii daba-dheeraatay, isla markaana ay ku baahdey qaybo badan oo dalka ka mid ah.

3/17/2008 6:44 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka waaberigii gaareen Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo horay loogala wareegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3/17/2008 6:41 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta waxay toogteen ku xigeenkii Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Degmada Afgooye, kaasi oo lagu magacaabi Jiray C/qaadir Jibriil Cali.

3/17/2008 5:49 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Qiimaha lagu kala iibsado raashinka quutul daruuriga ah iyo shidaalka ayaa waxaa ku yimid sare u kac aad u weyn, kaasi oo si weyn u saameeyay dadka aan dhaqaalaha buuran lahayn ee nolol maalmeedka la dagaalama.

3/17/2008 5:48 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Gudoomiyihii hore ee Degmadda Beledweyne Axmed Gobey Cawaale ayaa heenimadii xalay waxaa ay kooxo hubeysan ku dileen Deegaanka Ceel-dheer oo 5km u jira Degmadda Gure-ceel ee Gobalka Gal-gaduud kadib markii kooxo hubeysan ay kala tageen Mas'uulka gaarigii uu la socday.

3/17/2008 5:45 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Cabdulle Axmed ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Degmadiisa uusan hoos-tegin maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay degmadiisa ka go’day Gobolkaas.

3/17/2008 5:43 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inuu guddi saddex xubnood ah u magacaabay khilaafka u dhexeeya xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kadib markii Guddoomiyaha Komishanku dhowaan u gudbiyey Madaxweynaha qoraal uu ku dalbanayo in la soo beddelo xubin ka mid ah Komishanka oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Lixda xubnood ee kale ee Komishanku ay isku raaceen in aanay wada shaqayn karin xubintaas.