4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008
Guddoomiye Degmada Huriwaa oo sheegay in uusan hoos-tegin Maamulka Gobolka Banaadir

Isniin,  March 17, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Cabdulle Axmed ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Degmadiisa uusan hoos-tegin maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay degmadiisa ka go’day Gobolkaas.

Cumar Cabdulle Axmed waxaa uu sheegay in uusan muddo afar bilood ah wax xuquuq ah ka helin maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana mar uu isku dayay in uu cabashadiisa u gudbiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere uu kala kulmay sida uu hadalka u dhigay af-lagaado.

“Maamulka Gobolka Banaadir laguma sheegi karo wax jira, waayo ma ahan mid tixgelinaya dad u shaqeeya”ayuu yiri Cumar Cabdulle Axmed oo sheegay in xitaa Guddoomiyayaasha kale ee Degmooyinka Gobolka ay heysato dhibaato la mid ah tan uu ka cabanayo.

Waa Guddoomiyihii ugu horeeyay oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si toos ah uga soo horjeesta, isla markaana sheegay in aysan wax wada shaqeyn ah ka dhaxeynin Degmadiisa iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan eedeynta uu u soo jeediyay Guddoomiyaha Degmada Huriwaa, iyadoo ay xusid mudan tahay in Guddoomiyahan uu markiisii hore magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, labo guddoomiye degmo iyo Guddoomiye ku xigeen horay loogu magaacabay Degmadaas ayaa waxaa dilay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo degmadaasna ay inta badan ka dhacaan iska hor-imaadyo dhexmara Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo fariisimo ku leh xaafado ka tirsan Degmadaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia