4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2008
Soomaalida UK oo ka qaybgalay Dibad-bax lagu diidan yahay Duulaanka Maraykanka ee dunida Muslimka.

Axad, March 16, 2008(HOL): Dad gaaraya 10,000 oo dibad-baxayaal ah ayaa waxaa ay isugu soo baxeen fagaaraha Trafalgar Square ee ku yaala Magaaladda London is ay u xusaan sanad guuradda 5aad ee kasoo wareegtay duulaankii dalkaasi Ciraaq lagu qaaday.
 
Dibad-baxayaashu waxaa ay ku dhawaaqayeen ama ay codsanayeen in Ciidamada dalalkaasi jooga ay isaga baxaan Ciraaq iyo Afqaanistan iyo xuduuda qaza in dib loo furo.
 
Inkastoo dadka intooda badan ay ahaayeen Dadyowga dalkan u dhashay ee sida wayn u diidan duulaankii ciraaq hadana waxaa si wayn uga qaybgalay Jaaliyadaha Ciraaq, Afqaanistaan, Flastiin iyo Soomaali.
 
George Galloway oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka dalkan ayaa waxaa uu halkaasi uga hadlay dhibaatooyinka ay Maraykanka iyo Britain ku hayaan dalalka Ciraaq iyo Afqaanistaan iyo duulaanka lala damacsan yahay dalka iiraan.
 
Sakariye Xaaji Maxamuud oo kamid ah Isbahaysiga dib u xoraynta ee lagu soo dhisay Asmara ayaa kamid ahaa Dadkii Soomaalida ee aan goobta kula kulmay isagoo si wayn uga hadlay Bur burka ay Ciidanka Ethiopia iyo Maraykanku ka wadaan dalka Soomaaliya.
 
Peer Baroness oo ka tirsan Liberal Democrat ayaa isna kamid ahaa Mas'uuliyiinta sida wayn u qeexay in ay jireen waxyaabo la is daba mariyay ka hor dagaalka intii aan lagu qaadin ciraaq.

Ridwaan Haji Abdiwali
[email protected]
London, UK