4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2008
Banaanbaxyo lagu taageerayo Baaqii Dib u heshiisinta ahaa ee uu sii daayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ka dhacay Degmooyin ka tirsan G/Sh/Hoose

Sabti, March 15, 2008(HOL): Banaanbaxyo lagu taageerayay baaqii dib u heshiisiinta ahaa ee uu dhawaanahan sii deynayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa maant a ayaa maanta wuxuu ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Banaanbaxyadan ayaa waxay ka kala dhaceen Degmooyinka Afgooye iyo Qoryooley, iyadoo ugu ballaarnaa uu ka Dhacay Degmada Afgooye, iyadoo halkaasina ay isugu soo baxeen dadweyne aad u faro badan oo si weyn u taageersanaa baaqii Ra’iisal Wasaaraha ee ku aadanaa dhinac Dib u heshiisiinta.

Dadkii isugu soo baxay Degmada Afgooye ayaa waxaa la hadlay Taliyaha Qebta Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Aadan Cali Ganey, kaasi oo dadkii isugu soo baxay Degmadaas u sheegay in soo dhaweeyaan tallaabo kasta oo wada hadal iyo dib u heshiisiin ku baaqeysa.

Cali Ganey oo sii hadlayay waxaa uu ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay qaataan go’aanka dib u heshiisiin ah, isla markaana ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan, dabadeedna ay ka wada hadlaan waxyaabaha ay isku hayaan.

Dadkii isugu soo baxay Degmada Qoryooley ayaa waxaa la hadlay Guddoomiyaa Degmadaas oo lagu magacaabo C/raxmaan Shaam, kaasi oo sheegay in ay soo dhaweynayaan baaqii Ra’iisal Wasaaraha, isla markaana ay xitaa diyaar u yihiin in ay martigeliyaan shir lagu heshiisiinayo dhinacyada isku haya Soomaaliya ee kala ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Ugu dambeyntiina, Degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana ay ka mid yihiin Degmooyinka Marka iyo Wanla-weyn ayaa iyana waxaa ka socda qabanqaabo loogu jiro qabashada Banaanbaxyadan oo kale, iyadoo qabanqaabadaasna ay wadaan Guddoomiyayaasha Degmooyinkan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia