4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2008
Qiimo koror ku yimid Shidaalka oo saameyn ku yeeshay Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho

Sabti, March 15, 2008(HOL): Qiimo koror ku yimid Shidaalka ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa heysta adeegyada aan isticmaalkooda looga maarmeynin Korontada.
 
Saameynta ugu weyn ee dadka Muqdisho ka dareemayaa qiimo kororka ku yimid shidaalka ayaa waxay tahay gaadiidka BL-ka ah oo qiimaha lagu raaco uu sare u kac ku yimid, iyadoo meelaha qaarkood Gaadiidka looga raaco lacag ka badan 3000.
 
Sidoo kalena waxay dadku qiimo kororka shidaalka dareemeen kadib markii lagu qaaliyeeyay Korontada iyo Biyaha ay isticmaalaan, kuwaasi oo ay qiimo jaban ku heysteen ka hor qiimo kororka ku yimid shidaalka.
 
Liitarkii Shidaalka ah, gaar ahaan Naftada  ayaa haatan wuxuu magaalada Muqdisho ka marayaa 31 Kun Shillin Soomaali ah, iyadoo Fuustadii Shidaalka ahna lagu kala iibsanayo Suuqyada Muqdisho lacag kor u sii dhaafeysa 270 Doollar.
 
Dhanka kalena, waxaa jira Sicir barar ku dhacay Raashinka Quutul-Daruuriga ah ee ay dadka u baahan yihiin, wuxuuna sicir bararkani saameeyay cid kasta bacdamaa miskiin iyo maal-qabeen isku qiimo ay ku iibsanayaan raashinka quutul-daruuriga ah, walow uu sicir bararka si gaar ah u taabanayo dadka aan dhaqaalaha buuran lahayn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia