5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 24, 2008
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo howlgallo ka wada Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Khamiis, July 24, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay howlgallo ka sameynayaan Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay howlgalka bilaabeen kadib markii deegaanno hoos-yimaada Tuulada Leego laga soo helay meydka Guddoomiyihiii Tuulada Leego Axmed Yuusuf Muumin iyo nin kale oo isna deegaanka ah.

Sarkaalka horkacaya Ciidamada Howlgalka sameynaya oo lagu magacaabo Abuukar C/llaahi ayaa sheegay in howlgallada ay wadaan ay yihiin kuwo ay ku sugayaan ammaanka Deegaanka Leego oo dhawaanahan ay ka jireen xiisado nabadgelyo darro.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay Kooxo hubeysan gurigiisa ka kaxeysteen Guddoomiyihii Tuulada Leego Axmed Yuusuf Muumin iyo nin la socday oo Deegaanka ah, kuwaasi oo markii muddo la la’aa meydkooda laga soo helay duleedka Tuuladaas.

Ugu dambeyntiina, Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhawaanahan waxaa ku dagaallamayay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo dhowr jeer ku dagaallamay inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq-biri-weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia