3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2008
Dagaal ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho

Khamiis, 21 February, 2008(HOL): Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah ayaa saaka ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa.

Dagaalka ayaa markii hore waxaa uu ka dhex bilowday Ciidamo ka amar qaata Dowaldda Federaalka Soomaaliya oo saaka tegay deegaanka Suuqa Xoolaha oo intii aysan gudaha u gelin Suuqa ay iska hor-yimaadeen Kooxo hubeysan.

Dagaalka ayaa markii uu qadar daqiiqado ah socday waxaa ku soo biiray Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ku leh Xerooyinka Maslax iyo Warshaddii Baastada, kuwaasi oo adeegsanayay madaafiic iyo rasaas xooggan.

Lama oga inta uu la egyahay khasaaraha uu geystay dagaakan oo bilowday saaka subaxnimadii, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aysan dad badan ku sugneyn deegaanka Suuqa Xoolaha, gaar ahaan halka uu dagaalka ka dhacay oo ah hareeraha Wadada Laamiga ah.

Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa todobaadkiiba maalin waxaa ka dhaca dagaal fool ka fool ah, waxaana dagaalkaasi sababa iyadoo ay Ciidamada Itoobiyaanka ka soo baxaan xerrooyinka Warshadda Baastada iyo Xeradii Maslax, isla markaana ay gudaha u galaan Xaafadaha Deegaanka Suuqa Xoolaha, waxayna dadka deegaankaas ku waramayaan in sababta ay Ciidamada u galaan Deegaankaas ay tahay iyagoo doonaya in ay gudubsadaan sahay loo wado Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xerada Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
2/21/2008 8:47 AM EST
Khamiis, February 21, 2008(HOL): Dagaal xooggan ayaa maanta wuxuu ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

2/21/2008 8:43 AM EST
Khamiis, February 21, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii labaad waxay gudaha u galeen Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

2/21/2008 8:34 AM EST
Khamiis, February 21, 2008(HOL): Idaacadda Horn Afrik oo ka mid ah Idaacadaha sida weyn looga dhegeysto dalka Soomaaliya gudahiisa iyo Dibaddiisa ayaa waxay hawada ka maqan tahay dhwor maalmood

2/21/2008 3:21 AM EST
Khamiis, 21 February, 2008(HOL): Safiirka Dowladda Koofur Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay Ambassador Dumisani Kumalo ayaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay in uu ka cago-jiido arrinta Soomaaliya mar kasta oo la yiraahdo ha laga hadlo.

2/21/2008 3:19 AM EST
Khamiis, 21 February, 2008(HOL): Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ciidamada Amisom in ay muddo 25 maalmood ah uga baxaan Soomaaliya, isagoo haddii ay ka bixi waayaana sheegay in ay jab iyo halaag la kulmi doonaan.

2/21/2008 3:16 AM EST
Khamiis, 21 February, 2008(HOL): Dadka ku dhaqan Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa waxay qaati ka joogaan Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo habeenkii dhac u geysta.

2/21/2008 3:13 AM EST
Khamiis, 21 February, 2008(HOL): Waxaa ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya Ra'iisal Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, kaasi oo la sheegay in uu halkaas ku tegay casuumaad uu ka helay Madaxda Dowladda Federaalka Itoobiya.