4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2008
Ra'iisal Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Addis Ababa Wada hadallo kula leh Madaxda Dowladda Itoobiya

Khamiis, 21 February, 2008(HOL): Waxaa ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya Ra'iisal Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, kaasi oo la sheegay in uu halkaas ku tegay casuumaad uu ka helay Madaxda Dowladda Federaalka Itoobiya.

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo weli ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaan faah-faahin rasmi ah laga heynin waxyaabaha uu salka ku hayo socdaalka uu ku joogo  dalka Itoobiya iyo weliba kulanka uu la leeyahay madaxda dalkaas.

Xildhibaan/Prof. Cali Maxamed Geeddi oo tan iyo markii uu iska casilay xilkii Ra'iisal Wasaarenimada Soomaaliya ku sugnaa guri uu ku leeyahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa mar sii horeysay oo uu taageerayaashiisa Dibadaha kala qeybgelayay Barnaamij su'aalo lagu weydiiyay waxaa uu shaaca ka qaaday in uu yahay musharaxa madaxweynenimada Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2009-ka, wixii xiligaas ka horeeyana uu diyaar u yahay in uu ka qeybqaato dib u heshiisiinta Dadka Soomaaliyeed.

Dhawaana qoraal lagu baahiyay qaar ka mid ah Website-yada Soomaalida iyo Wargeysyo ka soo baxa magaalada Muqdisho, isla markaana uu ku saxiixnaa Xoghaynta Prof. Geeddi ayaa lagu sheegay in Prof. Geeddi uu doonayo in uu isu soo taago Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, lama oga waxa uu salka ku hayo socdaalka uu Ra'iisal Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi uu ku joogo dalka Itoobiya, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu socdaalkiisan ku soo beegmayo iyadoo is-bedel weyn lagu sameeyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana lagu soo koobay 18 Wasiir iyo 5 Wasiir ku xigeen, tiiyoo ay sii dheer tahay in ay Xukuumaddani ku socoto waddo ka duwan tii ay ku socotay Xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia