4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 15, 2008
Xafiis uu leeyahay TV-ga ku hadla Af-Soomaaliga ee Universal oo laga hirgelinayo Koofur Afrika

Isniin, December 15, 2008(HOL): Inj. Axmed Abu bakar oo ah milkiilaha Universal TV  iyo wariyaha caanka ah C/salaam Hereri ayaa sheegay in muhiimadda socdaalkoodu uu ahaa sidii loogu fufudeyn lahaa Soomaalida kumanaanka gaareeysa ee ku dhaqan dalkan Koofur Afrika in ay si toos ah u daawadaan TV-ga UNIVERSAL.

TVga ayaan dalkan Koofur Afrika  laga daawanin sababtoo ah diishashaka laga daawado ayaan dalka ku badneyn gobollada qaarkoodna uusan oolin, sidaas darteed ayay mas’uuliyiinta Universal u yimaadeen Dalkan si ay uga furaan xafiis uu leeyahay TV-ga.

Inj. Axmad ayaa waxa uu HOL u sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in ay dhawaan  hirgelin doonaan daawashada TVga iyo in ay xafiis weyn ka furaan Dalkan Koofur Afrika.

Mar aan wax ka weeydiiyay safarkooda iyo wixii ay kala kulmeen dalkan ayaa waxa ay ii sheegeen in ay aad ula dhaceen dhamaan waxyaabihii ay halkan kala kulmeen iyo in ay soo dhaweyn ballaaran ka heleen qaar ka tirsan ganacsatada waa weyn oo uu hormuud u ahaa ganacsade Muuse Ganjab oo ka caawiyay sidii ay warar dheeraad ah oo ku saabsan nolosha iyo ganacsiga Soomaalida ee dalkan isagoo la maray dhammaan gobolladii ay mareen.

Waxaa  kaloo ay ii sheegeen in ay soo dhaweyn diiran ka heleen ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SOJASA oo xafiiskoodu ku yaalo magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa