3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 15, 2008
Maamulka Degmada Boosaaso oo lagu eedeeyay Masuq Maasuq Dhanka Caanshuuraadka ah

Isniin, December 15, 2008(HOL): Maamulka Degmada Boosaaso ayaa lagu eedeeyay in uu  wax ka qaban waayay dhibaatooyin fara badan oo haysta dadka ku nool gudaha magaalada Boosaaso iyo daafaheeda, iyadoo ay jiraan baahiyo kala duwan oo soo wajahay Shacabka degmada.

Wasiir ku xigeenka koowaad ee arrimaha gudaha Puntland Ibrahim Cartan Xaaji Bakiin oo ka hadlayay kalfadhigii seddexaad ee golaha shacabka degmada  ayaa sheegay in dawladda Hoose ay ku guul daraystay in ay wax ka qabato baahida bulshada Bosaaso,isagoo u soo jeediyay in lala yimaado wax qabad rasmi ah oo ku salaysan danta bulshada.

Ibrahim Cartan Xaaji Bakiin ayaa sidoo kale maamulka degmada ku canaantay in Duq Magaalo kasta  oo la soo doorto uu dhoobo ku shubo Wadooyinka oo kaliya, balse uusan wax ka qaban arrimaha taagan, isagoo ka digay cudurro ka  dhasha dhoobadaasi.

"Ma jirin waxqabad dhab ah oo uu la yimid maamulka degmada tan iyo intii la soo magacaabay ,taasina waa mas’uuliyad darro haysata Maamulka"Sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka koowaad ee arrimaha gudaha DGPL.

Sidoo kale waxaa uu wasiir ku xigeenka ku eedeeyay maamulka degmada Maasuq maasuq  dhanka  caanshuuraadka ah ,waxaana uu sheegay in si qaldan loo maareeyay canshuuraadka laga qaado dadwaynaha Boosaaso.

Eedaynta loo jeediyay maamulka degmada ayaa imaanaysa ,iyadoo ay baryihii u danbaysay aysan jirin waxqabad muuqda oo ay Dawladda hoose ka qabatay gudaha Magaalada Bosaaso iyo daafaheeda.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia













Click here
12/15/2008 5:37 PM EST
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Sheikh Adan Madoobi) oo ay (VOA) ka wareystay sidii xubnaha baarlamaanka ay maanta kalsooni buuxda u siiyeen Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)

12/15/2008 6:38 AM EST
Isniin, December 15, 2008(HOL): Wafdi isugu jiraa Abaawaano iyo Fannaaniin ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso, iyadoo ay soo dhaweyn heer sare ah u sameeyeen kooxaha fanka ee ka jira Puntland iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xukuumadda.

12/15/2008 5:35 AM EST
Isniin, December 15, 2008(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo ayaa wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumaddii uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

12/15/2008 5:30 AM EST
Isniin, December 15, 2008(HOL): Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ka dhacayay banaanbaxyo looga soo horjeeday xil-ka-qaadistii uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ku sameeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

12/15/2008 5:29 AM EST
Isniin, December 15, 2008(HOL): Wararka laga helayo Deegaanka Qoox oo ka tirsan Tuulada Moqokori ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen Ciidamo ka tirsan Maamulka Islaamiga Gobalka kadib markii dhawaan halkaas kooxo hubeysan ku dileen Dad Rayid ah.

12/15/2008 5:28 AM EST
Isniin, December 15, 2008(HOL): Inj. Axmed Abu bakar oo ah milkiilaha Universal TV iyo wariyaha caanka ah C/salaam Hereri ayaa sheegay in muhiimadda socdaalkoodu uu ahaa sidii loogu fufudeyn lahaa Soomaalida kumanaanka gaareeysa ee ku dhaqan dalkan Koofur Afrika in ay si toos ah u daawadaan TV-ga UNIVERSAL.