Wafdi ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Naiobi ku sugan

Cabirka Farta

Khamiis, September 04, 2008(HOL): Wafdi ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo uu horkacayo Guddoomiyaha Isbaheysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Wafdigan ayaa wuxuu kulamo la leeyahay Wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Samafalka ee ku sugan Magaalada Nairobi, waxayna ka kala hadlayaa arrimo ku saabsan meel-marinta heshiiskii Jibouti iyo sidii kaalmooyin loo gaarsiin lahaa dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ah Xubnaha Wafdigaas ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle  in waxyaabaha ay u joogaan Magaalada Nairobi ay ugu muhiimsan yihiin sidii ay taageero ugu heli lahaayeen heshiiskii Jibouti ee dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo weliba sidii kaalmooyin loo gaarsiin lahaa dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo lagu aas-aasay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayuu wuxuu u kala jabay labo garab kadib markii ay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Isbaheysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xasan Shiikh Aadan ay ogolaadeen in ay ka qeybgalaan wada hadallo ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay, kuwaasi oo lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, iyadoo kadibna  ay arrintaas si weyn uga soo horjeesteen xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Asmara ku sugan.

Dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxay u muuqdaan kuwo ay ka go’an tahay in ay ka dhabeeyaan Heshiiskii ay ku gaareen dalka Jibouti, kaasi oo ay qodobadiisa ugu muhiimsan yihiin in xabadda laga joojiyo Soomaaliya iyo in Ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya uga baxaan muddo 120 maalmood gudahood ah kadib marka la keeno Ciidamo ka socda UN-ka

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia