Guddoomiyihii Degmada Afgooye oo xalay la dilay

Cabirka Farta

Isniin, September 29, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar qorsheysnaa ku dileen Guddoomiyihii Degmada Afgooye Maxamed Cumar Muudey, xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Buulalow ee duleedka Degmada Afgooye.

Dad goob-joogayaal ah ayaa waxay sheegeen in ay Guddoomiyaha dileen kooxo hubeysan oo saarnaa labo gaari oo nooca Waaraadka ah iyo gaari yar, kuwaasi oo markii ay tageen guriga Guddoomiyaha ku furay rasaas aad u badan.

“Weerarka lagu dilay Guddoomiyihii Degmada Afgooye waxaa uu ahaa mid qorsheysan, waxaana dilay kooxo hubeysan oo la socday labo gaari oo Waaraad ah iyo Gaari yar, waxayna Guddoomiyaha dileen kadib is-rasaaseyn socotay muddo nus saac ah”sidaas waxaa yiri Nin degan nawaaxiga guriga Guddoomiyaha, kaasi oo sheegay in Ciidamo uu watay Guddoomiyaha ay is-difaaceen markii hore balse ugu dambeyntii laga itaal roonaaday.

Lama garanayo ilaa iyo haatan cid ka dambeysay dilka guddoomiyihii Degmada Afgooye, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo ku saabsan dilka loo geystay Guddoomiyihii Degmada Afgooye Maxamed Cumar Muudeey.

Marka laga soo tago dilka loo geystay Guddoomiyihii Degmada Afgooye waxaa weerarkii xalay ku geeriyooday mid ka mid ah ilaaladii Guddoomiyaha, sidoo kalena waxaa dhaawacyo kala duwan soo gaareen ilaa 7 ruux oo deganaa nawaaxiga guriga Guddoomiyaha.

Dadka ku dhaqan Xaafadda Buulalow ee Degmada Afgooye ayaa waxaa si weyn uga xumaadeen dilka loo geystay Guddoomiyihii Degmada Afgooye oo ay ku tilmaameen in uu ahaa nin nabadda u dhaqdhaqaaqa.

Guddoomiyaha la dilay ayaa wuxuu horay uga badbaaday dhowr isku day oo lagu dili lahaa, kuwaasi oo badankood loo adeegsaday Miinooyinka lagu aaso, waxaana qarax isaga loola dan lahaa mar ku dhintay Walaalkiis iyo qaar ka mid ah Ciidamadii ilaalada u ahaa.

Horayna waxaa loo dilay guddoomiye ku xigeenkii Maamulka  Degmada Afgooye Xasan Axmed Xasan, kaasi oo isagoo ku guda-jira howl-maalmeedkiisa lagu dilay Miino Wadada loogu aasay.

Maamulka Degmada Afgooye ee xalay Guddoomiyihiisii la dilay ayaa wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay oo ay madax ka noqdaan dad ka soo jeeda Deegaanka, waxaana wixii maamulkan ka horeeyay muddo 11 sano ah ka talinayay maamul aaney madaxdiisa ka soo jeedin deegaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia