Afhayeen u hadlay Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka oo beeniyay in Ciidamadooda ay dadka dhac u geystaan

Cabirka Farta

Sabti, September 27, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin in ay Ciidamadooda dhac u geystaan dadka rayidka ha, wuxuuna caddeeyay in ay wararkaas faafiyeen dad dowladda ka soo horjeeda.

Afhayeenkan oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Xirsi ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay yihiin kuwo la soo baray anshaxa ciidannimo, wuxuuna xusay in aysan suurtagal ahayn in ay ku xad-gudbaan anshaxii iyo shuruucdii ciidannimo ee la soo baray.

“Askarigii lagu arko isagoo wax dhacaya waxaa nooga yaalla sharci ay Ciidamada garanayaan oo ciqaab adag marinaya, marka suurtagal ma ahan in ay Ciidamada Dowladda wax dhacaan”ayuu yiri Daahir Maxamed Xirsi.

Haddaba iyadoo Afhayeenkan u hadlay Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadana dad badan oo ku dhaqan inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ka soo baxeysa cabasho ku saabsan dhac ay Ciidamada Dowladda u geystaan.

Ciidamo badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Mileteri ayaa waxaa lagu arkaa iyagoo aan shaqo ku jirin gudaha xaafadaha Muqdisho, iyadoo sidoo kalena la arko iyagoo si macno la’aan ah isaga taag-taagan goobaha ganacsiga ee ay dadka ku badan yihiin, waxaana la sheegaa in aysan Ciidamadan qaadan wax mushaaraad ah muddo bilooyin ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia