Khamiis, October 09, 2008(HOL): Ciidanka Booliska Dawlad Goboleedka Puntland ayaa xoog ku soo furtay Nin Ajnabi ah oo u dhashay dalka Ingiriiska, kaasi oo ay shalay galinkii danbe ka afduubteen kooxo hubaysan Dooxada Dharoor ee Puntland.
Hawl galka lagu soo furtay Ninkan Ajnabiga ah waxaa ku dhintay hal ruux oo ka mid aha kooxihii af-duubka gaystay, iyadoo kuwa kale loo soo qabqabtay af-duubka Ninkaasi.
Soo furashada Ninkan ayaa timid ka dib markii Ciidamo ka tirsan Puntland ay xayndaab galiyeen goobtii af-duubka loogu haytay ninkan oo 20 km u jirta degmada Ufayn ee Gobolka Bari.
Ninkan ayaa shalay laga af-duutay Dooxada Dharoor ee Maamulka Puntland, xili uu ku guda-jiray hawlihiisa shaqo, waxaana uu ka mid ahaa Shaqaalaha ajnabiga ah ee wax ka wada hawlaha Shidaal Baarista Puntland.
Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Batroolka Puntland C/risaaq Xasan Aloore oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in lagu raad joogo raggii ka dambeeyay af-duubka ninkan ajnabiga ah oo lagu Magacaabo Flatcher.
Waxaa uu intaasi ku daray Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Puntland in Caafimaadka Ninka Ajnabiga ah uu yahay mid aad u wanaagsan. Ugu danbeyntiina soo furashada Flatcher ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa ,iyadoo baryihii u danbaysay af-duubyada dadka Ajanabiga ah ay aad ugu soo badanaysay meelo ka mid ah Puntland.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Somalia