4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2008
Khasaaraha ka dhashay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Hargeysa

Arbaco, October 29, 2008(HOL): Inta la xaqiijiyay 19 ruux ayaa geeriyootay 28 ruux kale oo dhaawac kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii seddex qarax lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somaliland, Safaaradda Itoobiya iyo Xarunta UNDP ee Hargeysa.
 
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray Xoghayntii Madaxtooyada Somaliland Daahir Cali Ciid, Odayaal ku sugnaa Madaxtooyada   iyo Ciidamo ka tirsanaa Ilaalada Madaxtooyada.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Saciid Cadaani ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in Qaraxa lala beegsaday Madaxtooyada uu ahaa mid xooggan oo burburiyay gaarigiisa oo yaalay Madaxtooyada iyo qeybo ka mid ah dhismaha Madaxtooyada.
 
Qaraxyadan waxaa ka hadlay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo sheegay in Somaliland ammaankeeda la soo handaday, wuxuuna shacabka Somaliland ugu baaqay in ay soo sheegaan cid kasta oo ay u arkayaan in ay nabadgelyadooda ka soo horjeedaan.

“Qaranka Somaliland liici maayo, Shacabka Somaliland-na waa ka adkaan doonaan cadawgooda”ayuu yiri Madaxweyne Rayaale oo sheegay in ciidamada Booliska Somaliland ay baarayaan dadkii qaraxyadaas ka dambeeyay.

Qaraxyada maanta ka dhacay Somaliland ee khasaaraha badan geystay ayaa waxay ahaayeen kuwii ugu horeeyay oo noocooda ah oo daqiiqado isu dhow lala beegsado seddex goobood oo muhiim ah, iyadoo qaraxyadaasna loo adeegsaday gaadiid waxyaabo qarxa laga soo buuxiyay.
 
Barqad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland