Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabyadiisa Asmara iyo Jibouti oo ka qeybgalay Dood ku saabsaneyd sida ay Ciidamada Itoobiyaanka ku bixi karaan

SHIIKH XASAN MAHDI: “Ciidamada Itoobiya xabad ayaan ku saareynaa ee wada hadal kuma baxayaan”

COL.CUMAR XAASHI: “Ciidamada Itoobiya wada hadal ayay ku baxayaan mudadii aan u qabanayna wax yar ayaa ka harsan”

Jimco, November 07, 2008(HOL): Col. Cumar Xaashi Aadan iyo Shiikh Xasan Mahdi oo labadaba reer Hiiraan ah, isla markaana ka kala tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabyadiisa Asmara iyo Jibouti ayaa waxay ka qeybgaleen dood ku saabsaneyn sida ay Ciidamada Itoobiyaanka looga saarayo Soomaaliya.

Shiikh Xasan Mahdi ayaa sheegay in aysan Ciidamada Itoobiya ku baxeynin wada hadal, sidaas darteedna ay xabad uga saarayaan, wuxuuna sheegay in fikradda dhaheysa Itoobiyaanka wada hadal ayay ku baxayaan ay tahay mid aan sal lahayn, “Ciidamada Itoobiya xabad ayaan ku saareynaa ee wada hadal kuma baxayaan” ayuu yiri Shiikh Xasan Mahdi.

Laakin Col. Cumar Xaashi Aadan oo ka tirsan xubnaha Isbaheysiga Dibu xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa sheegay in ay wada hadal ku baxayaan Ciidamada Itoobiyaanka, welina ay dhowdahay mudadii ay ku heshiiyeen in ay Soomaaliya uga baxdo.

“Ciidamada Itoobiya wada hadal ayay ku baxayaan mudadii aan u qabanayna wax yar ayaa ka harsan” ayuu yiri Col. Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed u taalo tan ay qaadanayaan in Xabad lagu sii wado Itoobiyaanka oo ay sii joogaan iyo in Ciidamada Itoobiyaanka ay ka baxaan Soomaaliya, kadibna ay guryahooda dib ugu soo noqdaan.

Mar Cumar Xaashi wax laga weydiiyay in ay dhinaca Asmara raacayaan haddii ay ku guuleysan waayaan in wada hadal Itoobiyaanka lagu saaro waxaa uu yiri “Annaga kuma dhaqmeyno siyaasad Afrikaannimo, baalaleyna ma nihin marba dhinac aadeysa, haddii aan ku guuleysan weyno siyaasadda waan isaga hareynaa, walaalaheen ayaana u deyneynaa in ay Xabad ku saaraan Itoobiyaanka, waxaanse idiin sheegeynaa in aan heshiiskan ku soo galnay waxyaabo badan oo aan ognahay oo ah in ay Itoobiyaanka dalka nooga baxayaan”ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan.

Doodda labadan mas’uul dhexmartay oo ka baxeysay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ahayd mid aad u kulul, waxaana labadaas mas’uul kala qeybqaadanayay dadweyne Idaacadda soo wacayay oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ku kala sugnaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia