![]() |
| Senator Barack Hussein Obama oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo Madow ah |
Senator Obama ayaa markii uu doorashada ku guuleystay kadib waxaa uu la hadlay dadka Mareykanka iyo Caalamkaba, wuxuuna sheegay in uu Madaxweyne u yahay dhamaan dadka Mareykanka, wuxuuna caddeeyay in uu is-bedello sameyn doono.
Waxaa uu sheegay Obama in uu wajahayo Adduunyo khatar ku jirta iyo weliba dhibaatooyin dhaqaale soo food-saaray Dalka Mareykanka iyo Caalamka, wuxuuna caddeeyay in uu guntanayo sidii uu dhibaatooyinkaas wax uga qaban lahaa.
20ka Janaayo ee sanadka soo socda ee 2009 ayaa Madaxweynaha cusub ee Dalka Mareykanka Senator Barack Obama waxaa loo dhaarin doonaa xilka madaxweynenimada Mareykanka, xiligaas oo uu si buuxda ula wareegi doono xilka loo doortay.
Madaxweyne George W. Bush oo xilka madaxweynenimada Mareykanka ka sii degaya ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo qaabka ay u dhacday doorashada Mareykanka, wuxuuna caddeeyay in uu si xamaadsan leh xilka ugu wareejin doono Senator Barack Obama.
Sidoo kale, waxaa guusha doorashada Madaxweynenimada Obama soo dhaweeyay ninka la loomayay ee John McCain, kaasi oo sheegay in kadib safar dheer oo ay wada galeen isaga iyo Obama in ugu dambeyntii la soo gaaray gebagebadii, natiijadiina ay noqotay in uu Dalka Mareykanka yeeshay madaxweyne, kaasi oo ah Barack Obama, wuxuuna si cad u sheegay in ay sharaf u tahay in uu u hambalyeeyo Senator Obama.
Madax badan oo Caalamka ah ayaa soo dhaweysay doorashada madaxweynenimada ee Barack Obama, waxaana ka mid ah madaxda dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka, Japan, Kenya iyo kuwo kale oo badan.
Madaxweynaha Kenya Mwi Kibaki waxaa uu ku dhawaaqay in maalinta berri ah oo Khamiis ah dalka Kenya ay shaqooyinka fasax yihiin, loona xafladeynayo guusha uu gaaray Senator Barack Obama ee madaxweynenimada Dalka Mareykanka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la eegayaa is-bedellada uu la yimaado Madaxweynaha cusub ee Mareykanka marka uu xilka si rasmi ah ula wareego, iyadoo doorashadiisana ay ku soo beegantay iyadoo muddo 8 sanadood ah uu dalka Mareykanka ka talinayay Xisbiga Jamhuuriga, kaasi oo Ciidamo badan u diray Dalalka Ciraaq iyo Afghanistan, kuwaasi oo ay bil kasta ku baxdo lacag dhan 10 Bilyan oo Doollar.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
