![]() |
| Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish |
Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa sheegay in ay jiraan warbaahinno Soomaaliyeed oo caadeystay in ay mar kasta warar aan jirin ka faafiyeen Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in uu hay’adahaas warbaahineed kula talinayo in ay iska daayaan wararka aan jirin ee ay faafinayaan.
“Waxaa jira Saxafiyiin qora warar lid ku ah Isboortiga Soomaaliya, kuwaasi oo soo xigta ilo wareedyo aan sugneyn oo qaarkood la dareemi karo in looga dan leeyahay in burburiyo Isboortiga Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan mar kale kula talineynaa Saxafiyiinta Soomaaliyeed in ay arrintaas ka digtoonaadaan”ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.
Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa uu sheegay in aysan Warbaahinta dhamaanteed eedeynin, wuxuuse sheegay in ay eedeynayaan kuwo gaar ah oo sida uu hadalka u dhigay caadeystay in ay ka shaqeeyaan faafinta warar aan jirin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay diyaar u yihiin in ay u waramaan cid kasta oo xog ka dooneysa Isboortiga.
Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa hadalkan ka sheegay xaflad shalay lagu soo bandhigayay waxqabadka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, taasi oo lagu qabtay Hotelka Jidda ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
