
Sabti, November 29, 2008(HOL): Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa maanta wuxuu soo bandhigay waxqabadkiisa 2008 iyo website cusub oo uu sameystay oo lagu dheehan karo labo luuqadood.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Saciid Maxamuud Nuur Mugambe ayaa sheegay in ay Bishii Maarso 2008 si rasmi ah u bilaabeen tartankii 18aad ee K/cagta gobollada Soomalaiya is-reeb reebkiisa 1aad oo ka furmay magaalada Jawhar, iyadoo ay ka qeybgaleen gobollada SH/DHEXE, HIIRAAN & G/GADUUD waxaana wareega 2aad u soo gudbay gobollada SH/Dhexe iyo Hiiraan.
Bishii July 2008 Dhamaadkeedii ayuu sheegay in ay si rasmi ah u bilaabeen Dayactirka Garoonka Benaadir ayadoo furitaanka dhagax-dhigga ay ka soo qeybgaleen masuliyiin sar sare ee dawladda iyo GOS maantana ay mareyso meel fiican, “waxaan uga mahadcelineynaa FIFA oo gacan weyn naga siisay dayactirkan muhiimka ah dayactirka kadibna sida qorshuhu yahay garoonka qeybta cayaarta la saari doono caws macmal ah (artificial truf)”ayuu yiri Saciid Mugambe.
Bishan November 2008 waxaa seminaar maamulka iyo Garsoorka k/cagta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo iyadoo ay ka soo qeybgaleen 5 gobol oo kala ah MUDUG, NUGAAL, SOOL, SANAAG & BARI iyadoo ujeedada seminaarku aheyd horumarinta gobollada dhinaca aqoonta iyagoo gobolladu aysan muddo dheer gaarin horumarinta K/cagta isla bishan november 20 keedii waxaa si rasmi ah loo bilaabay is-reeb-reebkii tartanka zone 4 ee qeybta Puntland iyadoo ay ka soo qeybgaleen gobollada MUDUG NUGAAL SOOL, SANAAG & BARI, tartankaasna hadda gabogabo ayuu marayaa waxaana ka soo bixi doona labo gobol oo ciyaartoyda ugu wanaagsanaata uu xiriirka ka qeybgelin doono tartanka CECAFA oo lagu qaban doono KAMPALA- UGANDA besha December 2008”ayuu mar kale yiri Saciid Maxamuud Nuur Mugambe Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Soomaaliya.
Waxqabadka Arrimaha Dibadda ee Xiriirka mar uu ka hadlayay Saciid Mugambe waxaa uu sheegay in bishii Feberaayo 2008 uu Xiriirku ka qeybgalay congresskii CAF iyo furitaankii African cup of Nations oo lagu qabtay Ghana –Accra, sidoo kalena waxaa uu sheegay in bishii in Bishii April 2008 uu xiriirku ka qeybgalay tartankii CAF U-20 & U-17 kaasi oo ciyaartoy Kubadda Cagta ah oo ka socotay Soomaaliya ay la ciyaareen Wadamada NIGER oo Soomaaliya ka badisay kadib markii ay keeneen ciyaartoy da’dii loogu talagalay ka weyn iyo KENYA oo uu xusay in ay ka badiyeen, wadankoodana ay barbaro kula galeen.
Bishii May 2008 waxaa uu sheegay in xiriirku ka qeybgalay congresskii FIFA ee lagu qabtay Austarlia – Sydney. Sidoo kalena waxaa uu xusay in Bishii June 2008 uu xiriirku diray Kooxda Banadir Telecom ayna ka qeybgashay tartankii Club Championka ee CECAFA 2008.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Saciid Mugambe waxaa uu sheegay in waxyaabaha uu Xiriirkooda ku tallaabsaday ay ka mid tahay in uu sameystay website labo luuqadood lagu daalacan karo, kaasi oo cinwaankiisu yahay http://www.somsoccer.com
Mar uu ka hadlayay sababta website-kan loo sameeyay ayuu sheegay in ay kala yihiin:
In lagu soo bandhigo dhamaan hawlaha horumarineed iyo waxqabadyada xiriirka ee kala duwan gudaha iyo dibadda
In bahweynta K/cagta ee ku nool goblada dalka iyo dibeda ay helaan meel ay kala socdaan hawlaha xiriirka
In hay’adaha k/cagta ee xiriirku xubinta ka yahay sida FIFA, CAF, CECAFA & UAFA ay helaan goob ay kala socon karaan hawlaha ay qabtaan xiriirka k/cagta Soomalida.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia