Jimco, November 28, 2008(HOL): Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay dhammaan Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya inta uusan dhamaanin sanadkan, iyadoo sheegtay in ay taasi uga gol leedahay fulinta heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wahade Belay oo ah Afhayeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegay in Dowladdiisa ay arrintaas la socodsiisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping.
Wahade Belay waxaa uu sheegay in Dowladdiisa ay taageersan tahay heshiiskii ay Jibouti ku gaareen dhinacyada isku haya Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in nabad ka dhalata Soomaaliya ay dan ugu jirto Itoobiya oo Soomaaliya la deris ah, xadna la leh.
Dowladda Itoobiya ayaa kumaan Ciidamadeeeda ah waxay u dirtay Soomaaliya sanadkii 2006 xiligaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya khatar geliyeen xoogag Islaamiyiin ah oo awooddooda ay ku sii baaheysay deegaanno badan oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Tan iyo xiligaasna Ciidamada Dowladda Itoobiya waxay dagaallo kula jireen Xoogag Islaamiyiin ah oo ka soo horjeeda siyaasadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaankooda dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Hadalkan ka soo yeeray Dowladda Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ay dalka Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jibouti heshiis awood qeybsi ah oo ku saabsan in la dhiso Baarlamaan Soomaaliyeed oo xubnahiisa ay gaarayaan 550, kuwaasi oo soo dooran doona Guddoomiye Baarlamaan, kadibna madaxweyne isna soo magacaabi doona Ra’iisal Wasaare.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia