Meydka Faarax Sendiko oo Maanta la geeyay Muqdisho berri-na lagu aasayo


Isniin, November 24, 2008(HOL): Waxaa maanta la geeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Meydka Marxuum Faarax Wehliye Caddow (Faarax Senidko) oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Meydka Marxuumka ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho geysay Diyaaradda Africa Airways, waxaana la socday Ehellada Marxuumka, gaar ahaan Caruurtiisa oo ka soo kala raacay Qaahira iyo Dubai.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta si weyn u buux-dhaafiyay dad badan oo isugu jiray Ehellada marxuumka, Bahda Isboortiga qeybaheeda kala duwan iyo weliba dad aan Isboortiga ehel u ahayn, hayeeshee yaqaanay marxuum Faarax Sendiko.


Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa dadkii isugu yimid la hadlay ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS), ahna Guddoomiye ku xigeenka GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sheegay in Faarax uu ahaa halyey Isboorti oo Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bahda Isboortiga ay tebi doonaan, wuxuuna sheegay in wanaaggiisii laga dareemi karo inta isugu timid soo dhaweynta meydkiisa.


Sidoo kale waxaa isna la hadlay dadkii isugu yimid soo dhaweynta meydka Faarax Sendiko Muxyaddiin Xasan Cali Darba-weyne oo ka mid ah Rug Cadayaasha Isboorti ee weliba la soo shaqeeyay Faarax Sendiko.

Muxyaddiin Darbaweyne wuxuu sheegay in Faarax Sendiko uu ahaa shakhsi karti badan oo Isboortiga Soomaaliya iyo midka Afrika horumar weyn gaarsiiyay, wuxuuna  ku cel celiyay in Faarax Senidko uu ahaa nin sharciga Isboortiga ku ad-adag oo aan ogolaanin in sharci darro lagu dhaqo, “Waxaan xusuustaa in Xulalka Masar iyo Cameroon oo ku heshiiyay in ay is-daayaan uu amar ku bixiyay in la isku celiyo, haddii ay kala badin waayaana ciyaaraha laga reebo, taasi marka waxay caddeyneysaa sida uu Faarax ugu ad-adkaa sharciga”ayuu yiri Muxyaddiin Darbaweyne.

Ugu dambeyntiina, Meydka Faarax Sendiko waxaa maalinta berri ah lagu aasi doonaa Qabuura Xaaji Dalfac ee ku yaala nawaaxiga Hotelka Ramadaan ee Magaaalda Muqdisho, waxaana loo aasi doonaa si Heer Qaran ah.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia