Axad, November 16, 2008(HOL): Shir wada jir ah oo ay maanta Hotelka Village ku qabteen seddex Musharax ayaa ay kaga soo horjeesteen xeer ku saabsan dhanka Doorashooyinka, kaasi oo maalintii shalay ahayd ka soo baxday xafiiska Madaxwayne Cadde.
Musharaxiintan ayaa kala ah Nuurudiin Aadan Diiriye ,General C/llaahi Axmed Jaamac ilka-jiir iyo Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf ,waxaana ay musharaxiintan ay sheegeen in ay si cad uga soo horjeedaan xubnaha guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafadka ka dhasha xubnaha golaha Baralamaanka cusub ee la soo xulayo kuwaasi oo u soo magacaabay Madaxwayne Cadde
Nuuraddiin Aadan Diiriye ayaa sheegay in aysan jirin awood madaxwayne musharax ah u siineysa in uu soo xulo guddiga ansixinta iyo khilafaadyada, isagoo sheegay in arrintani ay ku shaqo leeyihiin Isimada Puntland.
Waa musharaxiintii ugu horeysay oo si wada jir ah uga soo hor jeestay xeer uu soo saaray madaxwayne Cadde, tan iyo intii ay bilaabatay isu diyaarinta doorashada Puntland ka dhici doonto horraanta sanadka cusub ee soo socda.
Shalay ayay ahayd markii madaxwayne Cadde Muuse uu xafsiikiisa ka soo saaray xeer ku saabsan dhanka doorashooyinka kaas oo inta badan ka careysiisay musharaxiinta Puntland ee la tartami doonta.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia