Isniin, May 05, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay Gobolada Oodweyne iyo Buuhoodle u Magacaabay Gudoomiyayaal iyo Gudoomiye ku xigeeno.
Wareegtada lagu magacaabay Gudoomiyeyaasha iyo Gudoomiye ku xegeenada Labadaa Gobol waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland shalay. Warsaxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan.
‘'Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta (Shalay) Wareegtooyin uu soo saaray ku Magacaabay Gudoomiyayaal iyo Gudoomiye ku xigeeno Gobollada Buuhoodle iyo Oodweyne.
Madaxweynuhu , isaga oo tix gelinaya qodobka 90-aad ee dastuurka JSL iyo qodobka 110-aad, isla markaana xeerinaya baahida loo qabo in Gudoomiyayaal iyo Gudoomiye ku xigeeno loo sameeyo Maamulada Gobolladaasi iyo muhiimada weyn ee loo qabo buuxinta hawsha jagooyinkaasi , waxa uu u magacaabay Magacyada hoos ku qoran.
Ismaaciil Maxamed Jaamac waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle
Xasan Cali Jaamac waxa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle
Maxamed Cabdi Liibaan , waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne
Daahir Aadan Baxnaan Deeqsi , waxa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka gobolka Oodweyne.
Sidaa daraadeed, iyada oo la tix gelinayo kartida , Aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee ay leeyihiin shakhsiyaadkaa la magacaabay , waxa uu Madaxweynuhu faray in laga bilaabo Maanta (Shalay) ay la wareegaan xilka Jagooyinka loo magacaabay''
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland