Axad, May 11, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay maanta is-rasaaseeyeen ilaalada Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn waxyaabihii keenay in ay is-rasaaseeyaan.
Is-rasaaseynta dhexmartay ilaalada Xildhibaanka ayaa waxay sababtay inuu mid ka mid ah ilaalada uu dhinto, mid kalena uu dhaawacmo, iyadoo midkii falkaas geystayna uu baxsaday isagoo horay u sii qaatay Qoryihii ay heysteen labada ilaalada ah ee uu midna dilay midka kalena uu dhaawacay.
Xiliga ay is-rasaaseyntan dhaceyso ayaa lagu soo waramayaa in uu Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax dalka dibadda uga maqan yahay muddo bilooyin ah, isla markaana guriga uu magaalada Baydhabo ka degan yahay ay ku sugnaayeen ilaaladiisa oo kaliya.
Is-rasaaseynta dhexmaray ilaalada Xildhibaanka ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) uu Xildhibaannada Baarlamaanka amar ku siiyay inay muddo todobaad ah ku soo diiwaangeliyaan hubkooda iyo ilaaladooda, isagoo amarkaasina ku fasiray in looga gol-leeyahay in la adkeeyo Ammaanka Magaalada Baydhabo oo dhawaanahan sii xumaanayay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia