Isniin, 24 March 2008 (HOL)- Shirka toddobaadlaha ah ee ay isugu yimaadaan Golaha Wasiirada Somaliland, oo uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa lagu lafo-guray Abaaraha ba’an ee soo wajahay dalka iyo tallaabada ku habboon ee laga qaadi karo.
Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sedan;
“Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta oo Isniin ah oo uu Gudoominayay Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa lagu falan qeeyay xaalada Abaaraha ee ka jira Dalka, waxana fadhiga golaha Wasiirada loo soo bandhigay Warbixino ay isku soo duba rideen Guddiyadii dhawaan Socdaalada ku soo maray dhulka abaaruhu ka jiraan ee Jamhuuriyadda Somaliland .
Guddiyadaasi oo isugu jiray Wasiiro , Hay’adaha aan Dawliga ahayn oo ay hogaaminayso hay’adda qaabilsan Aafooyinka ee NERAD, waxa ay socdaal dhawr maalmood ah ku soo mareen dhamaan gobollada iyo degmooyinka dalka ee abaaruhu saameeyeen.
Sida laga war qabo waxa Madaxweynuhu u magacaabay dhawaan guddi loo xil saaray sidii wax looga qaban lahaa dhulalkaasi abaaruhu saameeyeen , guddidaasi oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka , waxa in muddo ahba ay ku hawlanaayeen tallaabooyinkii laga qaadi lahaa sidii loogu gurman lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.
Warbixinta guddidaasi waxa lagu sheegay in dhibaatooyinka ugu badan ee ka jira gobolladaasi ay ka mid yihiin Biyo la’aan iyo xanuuno saameeyay xoolaha nool oo ay u dhinteen xoolo badani.
Golaha Wasiiradu waxa dabadeedna ay guda galeen Fadhi ay kaga arrinsanayaan kaalinta xukuumadu ka qaadanayso gurmadka dadka abaaruhu ku habsadeen , kuwaasi oo loo saaray guddiyo gaar ah.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.