4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
C/qaasim Salaad Xasan oo ka hadlay Dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho

Khamiis, 20, Mar, 2008 (HOL): C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynaha Dowladdii TNG-da ee lagu soo dhisay Dalka Jabuuti oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hoygiisa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ay ka dambeeyaan Ciidamada Shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
 
C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in uu rumeysan yahay in ay ka  jiraan Soomaaliya Dad is-difaacaya oo ay Ciidamo shisheeye ah weerar ku soo qaadeen, isla markaana uusan ogeyn Dad dagaal wada oo gudaha Soomaaliya ku sugan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu soo jeediyay dhowr qodob oo ku saabsan sida xal lagu gaari karo, waxaana qodobaada uu soo jeediyay ka mid ahaa: In Ciidamada Itoobiya laga saaro dalka Soomaaliya, lana keeno kuwo ka socda UN-ka, in sidoo kalena Gudaha Magaalada Muqdisho laga saaro Maleeshiyooyin Beeleedyada, In la soo daayo Dadka Xabsiyada lagu hayo, In Dib loo soo celiyo Dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho, isla markaana Xaafadihii ay ku noolaayeen laga saaro maleeshiyooyinka, In la helo jawi ay ku wada hadli karaan dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo, In la sameeyo Guddi madax bannaan oo dhexdhexaadiya dhinacyda isku haya Soomaaliya, isla markaana ay dib u heshiisiintaas noqoto mid ay ka qeybqaataan dhamaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu si weyn uga xun yahay in dad aan waxba galabsan dil loo geysto, isla markaana lagu dilo meelo ay Masjidyo ka mid yihiin, wuxuuna caddeeyay in qofkii dila qof masjid ka soo baxay uu isagu ka jawaabi doono maalinta Aakhiro.

Isagoo sii hadlayay C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in ay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay ka jiraan dhibaatooyin la xiriira Arrimaha Bulshada, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Dagaalladii Muqdisho ka dhacay ay ku xirmeen Isbitaallo, goobo Waxbarasho iyo goobo ganacsi, kuwaasi oo ay dadka ka heli jireen adeegyo kala duwan.

Dowladda Mareykanka ayuu sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan in ay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Mareykanka in ay ka deyso Dadka Soomaaliyeed dhibaateynta iyo faragelinta ay ku heyso.

Waxaa uu sheegay C/qaasim Salaad Xasan in haddii loo baahan yahay Ciidamo Shisheeye la keeni karo Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, kuwaasi oo la caddeeyay howsha ay qabanayaan iyo waqtiga ay joogaan, isagoo intaas kadibna ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed in aysan Ciidamadaas yeelin sidii ay yeeleen kuwii ay horay Qaramada Midoobay u keentay Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, shirka Jaraa’id ee uu maanta Hoygiisa Muqdisho ku qabtay C/qaasim Salaad Xasan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xaaladda Soomaaliya ay sii cakirmeyso, isla markaana ay ka dhacayaan Magaalada Muqdisho dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dagaalladdaasina ay socdaan muddo sanad ah oo ka soo bilaabaneysa Maarso Sanadkii hore ilaa Maarso Sanadkan.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia