4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
Dowladaha Mareykanka iyo Yemen oo qabanaya shir looga hadlayo Dadka Afrika ka taga ee Tahriibka ku gala Dalka Yemen

Khamiis, March 20, 2008(HOL): Shir ay maalgelineyso Dowladda Mareykanka, isla makraana ay gogoshiisa fidisay Dowladda Yemen ayaa todobaadka soo socda waxaa uu ka bilaabanayaa Dalka Yemen.
 
Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa Dadka ka taga Dalalka Afrika ee sida Tahriibka ah dhinaca Badda uga gala dalka Yemen, kuwaasi oo ay Dowladda Yemen iyo Dalalka Reer Galbeedka ay ka walaacsan yihiin in ay falal nabadgelyo darro ah ka sameeyaan gudaha Dalka Yemen

Xuseen Xaaji Axmed oo ka mid ah Qunsuliyadda Soomaalida ay ku leedahay Magaalada Cadan ee Dalka Yemen ayaa sheegay in shirkan ay ka qeybgelayaan mas’uuliyiin ka socota Dalalka Bariga Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaasi oo dad ka socda ay tahriib ku galaan dalka Yemen, iyadoo sidoo kalena ay ka qeybgeli doonaan dalalkii gumeysan jiray sida Ingiriiska, Talyaaniga, iyo Faransiiska iyo weliba wadamo kale oo dhibaato ka soo gaartay dadka Tahriibka ku gala Dalka Yemen, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Cumaan.

Xuseen Xaaji Axmed oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu intaas ku daray in uu baaq u dirayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland kuwaasi oo uu ka codsanayo in ay shirkan la yimaadaan qorshe iyo barnaamij ay ku caddeynayaan in ay daacad ka tahay sidii loo joojin lahaa dadka ka tahriiba Soomaaliya ee Yemen u gudba.

Ugu dambeyntiina, waxaa uu sheegay Xuseen Xaaji Axmed  in intii ka baxday sanadkan ay Dalka Yemen  gaareen Dad gaaraya 8,700 oo qofood oo u badan Dad Soomaali ah, kuwaasi oo warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR lagu sheegay in dadkaasi ay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee dalka Yemen gaaray muddo 16 sano ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia