4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
Dagaal ka soconaya Gudaha Suuqa Bakaaraha

Khamiis, March 20, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu haatan ka soconayaa gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo dagaalkanna uu u dhaxeeyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Waddooyinka laga galo Suuqaas iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalkan oo ka bilowday Isgoyska Howl-Wadaag ayaa wuxuu ku faafay qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha iyo weliba gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Galbeedka ka xigta Shirkadaha Isgaarsiinta ee ku yaala Wadada Koowaad ee Suuqa Bakaaraha.

Dagaalka ayay Ciidamada ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ku adeegsanayaan Gaadiidka Dagaalka ee tiknikada loo yaqaano iyo qori gacmeedyo, halka kooxaha dagaalka kala soo horjeedana ay ku dagaalamayaan qoryaha garbaha laga tuuro ee Baasuukayaasha, Bambo Gacmeedyo iyo hub kale oo fudud.

Xaaladda Suuqa Bakaaraha oo saaka deganeyd ayaa haatan xaaladdiisa waxay noqotay mid kacsan iyadoo qaar ka mid ah Dadkii u soo ganacsi tegay iyo kuwii wax iibsiga u soo aaday ay bilaabeen in ay Suuqa ka cararaan si aysan waxyeello uga soo gaarin dagaalka labada dhinac u dhaxeeya.

Dagaalka oo weli soconaya wixii ku soo kordha kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia