4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2008
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku hanjabay in uu is-casilayo haddii aaney Xildhibaannada bedelin qaab dhaqankooda

Arbaco, March 19, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe ayaa maanta ku hanjabay mar uu la hadlayay Xildhibaannada Baarlamaanka in uu is-casili doono haddii aaney mudanayaasha bedelin qaab dhaqankooda.
 
Shiikh Aadan Madoobe ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka ku eedeeyay in aysan dhowrin shuruucda iyo xeer hoosaadyada u degsan Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in Xildhibaannada Baarlamaanka aysan shirarka ka soo qeybgelin iyagoo jooga Magaalada Baydhabo, taasi oo keenta in la heli waayo sidii maantaba dhacday kooram ay ku furmi karaan fadhiyada Baarlamaanka.

“Haddii la dhowri waayo Shuruucda iyo Heer Hoosaadka u degsan Baarlamaanka Soomaaliya waan iska casili doonaa Xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka, waayo aniga awood gaar ah oo aan leeyahay ma jirto oo aan ka ahayn in aan guddoomiyo go’aannada ay Xildhibaannada Baarlamaanka gaaraan”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe.

Dhanka kalena, Fadhigii maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay buuq ka dhashay qoraal ku saabsan Dib u heshiisiinta, kaasi oo ay soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna buuqaas dhashay kadib markii ay qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ay ku doodeen in ay tahay in uu Qoraalka Baarlamaanka ka hor aqriyo Wasiirka Dib u heshiisiinta, kadibna isaga su’aalo laga weydiiyo, halka Xildhibaanno kalena ay qabeen fikir kaas ka duwan oo ahaa in qoraalka si caadi ah looga hor aqriyo Mudanayaasha Baarlamaanka.

Ugu dambeyntiina, dhowr iyo labaatan Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay dalbadeen in uu Baarlamaanka hor yimaado Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, isla markaana wax laga weydiiyo arrimo ku saabsan halka ay wax u marayaan Xukuumaddiisa iyo weliba arrimo kale oo ku saabsan bililiqadii ay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay ka geysteen Suuqa Bakaaraha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia