4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2008
Jilaaga caanka ah ee Ow-Kuu Kuu oo Muqdisho ku xanuunsanaya, Daryeel la’aan-na ay heyso

Jilaaga caanka ah ee Ow-Kuu Kuu oo Muqdisho ku xanuunsanaya, Daryeel la’aan-na ay heyso
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Haddii aad ku taqiinay inuu wax badan kaa qosliyo, haatan ma jiro qosolkii aad ku tiqiin jilaaga C/llaahi Amiir Rooble(Ow Kuu-kuu) waxa uuna ku xanuunsan yahay hoygiisa ku yaala Ex-Fiyoore, kaasi oo uusan meelna uga dhaqaaqin tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore ee xanaaneyn jirtay Fannaaniinta Soomaaliyeed.

C/llaahi Amiir Rooble Ow-Kuu Kuu oo ka tirsanaa Majaajiliistayaasha waa weyn ee Hobolladii Waaberi waxaa uu xiligii burburka ku sugnaa Dalka Soomaaliya oo uusan ka bixin, isagoo marar qaarkood ka qeybqaadan jiray Bandhig Faneedyo ay sameyn jireen Fannaaniin aan dalka ka bixin iyo weliba kuwo soo baxay xiligii burburka.
 
Sidoo kalena, Fannaanka wuxuu  wax ka sameyn jiray muddooyinkan dambe Sheekooyin isugu jira kuwo ka tarjumaya dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya, kuwo ku saabsan Wacyigelinta Bulshada iyo kuwo Jaceylka ku saabsan, kuwaasi oo laga sii daayo qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Fannaan C/llaahi Amiir Rooble Ow-Kuu Kuu oo aad u xanuunsanaya  ayaa wuxuu dhex jiifaa Qoyskiisa oo ka kooban Dhowr Caruur ah iyo Hooyadood Nuurta Saleebaan Abaliisha oo qudheeda Fannaanad ah, kuwaasi oo intii uu dhaqdhaqaaqayay uu u qaraab tegi jiray, isla markaana uu u soo heli jiray Nolol Maalmeedka.

Nuurta Abaliisha ayaa HOL u sheegtay in ay nolosha ku adkaatay Qoyskeeda kaidb markii uu xanuunsaday Seygeeda Ow-Kuu Kuu, isla markaana ay iyadiina ku qasbanaatay in ay xanaaneyso oo aysan meelna uga dhaqaaqin.
 
Nuurta Saleebaan Abaliisha waxay ka codsatay Dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo weliba Fannaaniinta Soomaaliyeed inay u soo gurmadaan, isla markaana ay ka gacan siiyaan Caafimaad xumida iyo daryeel la’aanta heysata Ninkeeda oo ah Fannaan ay si weyn u yaqaanaan Dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, C/llaahi Amiir Rooble Ow-Kuu Kuu ayaa haatan Xaaladdiisa Caafimaad waxay tahay mid aad u liidata, dhawaqa kaliya ee uu ku leeyahay qofkii soo booqdana waa “ii soo duceeya”.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia