4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2008
Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay oo shaaca ka qaaday Suurtagalnimada in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya

Arbaco, March 19, 2008(HOL): Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ayaa shaaca ka qaaday in ay suurtagal tahay in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro dalka Soomaaliya oo muddo 17 sano ka badan ay xaaladdiisa tahay mid saldhigan la’.
 
Laakin Ban Ki-Moon waxaa uu sheegay in Ciidamo u dirista Soomaaliya ay horeyso shuruud ah in marka hore ay heshiis siyaasadeed gaaraan dhinacyada isku haya Soomaaliya, kaasi oo lagu joojinayo colaadda u dhaxeysa labada dhinac.

Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay  Mr. Ban Ki-Moon ayaa wuxuu hadalkan jeediyay kadib markii uu guddoomay warbixin ay Soomaaliya ka soo diyaariyeen guddi xaqiiqo raadin ah oo UN-ka ka socday, kaasi oo dhawaan booqasho ku tegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya.

Mr. Ban Ki-Moon waxaa uu sheegay in Ciidamada loo dirayo Soomaaliya oo tiradooda dhan tahay 28,500 askari oo isugu jira Mileteri iyo Boolis ay howsha nabad ilaalinta ah kala wareegi doonaan Ciidamada Amisom, kuwa Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo uu sheegay in ay xiligaas dalka Soomaaliya ka bixi doonaan ama sida uu yiri ay qeyb ka noqon doonaan howlgallada nabad ilaalinta ah iyagoo huwan magaca UN-ka.

Laakin su’aasha la is-weydiin karo ee ka soo dhex baxeysa Hadalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxay tahay waxa looga baahan karo Ciidamo UN-ka ka socda haddiiba imaanshahooda uu ku soo hagaagayo kadib marka ay heshiis gaaraan dhinacyada isku Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dalka Soomaaliya ayaa haatan waxaa ku sugan Ciidamo Midowga Afrika ka socda oo magaca Amisom uga howlgelaya magaalada Muqdisho, walow Ciidamadaas oo tiradooda dhan tahay 2,300 ay ka yimaadeen kaliya dalalka Uganda iyo Burundi, iyadoo uu qorshuhu ahaa in ay Dalalka Midowga Afrika Soomaaliya u soo diraan Ciidamo tiradooda gaareyso 8,000 oo Askari.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia