4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2008
Al-shabab oo lagu daray Liiska argagaxisada

BBCSomali.com
Arbaco,
March 19, 2008(HOL):

rice
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Condoleezza Rice
Warka ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibedda ee dowladda Mareykanka oo loogu tala galay saxaafadda ayaa sheegay in Kooxda Al shabaab ee waddanka Somalia lagu daray liiska Ururada argagaxisada ee caalamka.

Sida lagu cadeeyay qoraal ay soo saartay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Condoleezza Rice, waxaa lagu xaaraantimeeyay in wax taageero ah haba yaraatee nooc kastaba ha ahaatee aan la siin karin Kooxda Al-shabaab isla markaana la xayiro wax kasta oo hanti ama danno ah ee ururkaasi uu ku yeelan karo waddanka Mareykanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in tallaabadani la qaaday ay ka mid tahay dagaalka lagula jiro argagaxisada caalamiga ah loogana dan leeyahay inay ka waantoobaan falalka ay ku kacaan.

Qoraalka waxa uu ku tilmaamay Al-shabaab inay yihiin koox xag jirta oo qalafsan, in badan oo xubnaheeda ka tirsana lala xiriiriyo Al-qaacida iyo xubno badan oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Al-shabaab in la rumeysan yahay inay ku soo tababarteen Afghanistan, iyagoo la safan Al-qaacida.

Qoraalkaa Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay cabsi gelisay isla markaana ay abuurtay dhibaato lagu wiiqayo dowladda Somalia, iyadoo u hanjabtay hawlaha bulshada.

Kooxdu waxa ay waraaqo ku daadiyeen ayaa lagu yiri qoraalka magaalada Muqdisho oo ay uga digayeen sanadkii hore dadkii ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta, waraaqahaasi oo ay ku sheegeen inay qarxinayaan goobta shirka.

Waxaa sidoo kale ay ku balanqaadeen ayay tiri warbixinta Condoleezza Rice inay toogan doonaan cid walba ee qorsheynaysa ka qeybgalka shirkaasi, isla markaana ay qarxin doonto hotelada iyo baabuurta ergada.

Qoraalku waxa uu sheegay inkastoo aanay Al-shabaab fulin hanjabaadahaasi haddana inay sheegteen mas'uuliyadda dilka guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho iyo qaraxyo iyo weeraro lala beegsaday saldhigyada ciidamada Ethiopia iyo saraakiisha dawladda ee Muqdisho .

Hogaamiyaha kooxdaasi Aden Hashi Ceyroow ayaa qoraalku sheegay in dagaalyahaniintiisa uu amar ku siiyay in la weeraro Ciidamada Midowga Africa ee jooga Muqdisho.

Waxaa kaloo uu ugu baaqay dad ajnabi ah inay ku soo biiraan Al-shabaab dagaalkooda ay ka wadaan Somalia,

Haddaba hanjabaadahaasi kooxda Al-shabaab ayaa sida hadalka uu u dhigay qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanku sheegay in go'aankani oo kor u qaadayo ka warqabka hawlaha ay wadaan, isla markaana uu hoos u dhigi doono awoodooda ay ku hanjabayaan ee ay degenaansho la'aanta uga abuurayaan gobolka geeska Africa sida lagu soo gabagabeeyay.

Isha Warka: bbcsomali.com