4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2008
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in aysan Wax Wada hadal ah la geleynin Dowladda Federaalka Soomaaliya

Axad, March 16, 2008(HOL): Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maxkamada Islaamka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea waxaa uu u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in aysan wax wada hadal ah la geleynin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in aysan aqoonsaneyn wax dowlad la yiraahdo oo ka jira Soomaaliya, “Tani Dowlad ma ahan, waxaan aaminsan nahay in ay yihiin dadka ciidamada cadawga ah keenay dalkeena, waana dembilayaal”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir.

“Dagaalyahannadeenu waxay ka soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya, inta ay halkaas (Somalia) joogaanna wax wada hadal ah ma yeelan karaan Soomaalida”ayuu mar kale yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ay Dowladda Mareykanka ku dartay Liiska Dadka ay Argagixisada u aqoonsan tahay ayaa isagoo sii hadlayay waxaa uu yiri “Islaamiyiintu waa xornimo u dirir, Wadankanna waxaa uu ku hoos jiraa gumeysiga Itoobiya, waana in laga xoreeyaa cadawga”.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo dhinaca kale ah Korneyl Ciidan oo ka qeybqaatay Dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977-kii ayaa waxaa wax laga weydiiyay sida uu u arkayo baaqyada nabadeed ee ka soo yeeraya Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, wuxuuna ku gaabsadayi “Nuur Cadde waa nin Nabad jecel, laakin waan ka xumahay in uu ku biiray Dowladda Federaalka”.

Hadalkan uu sii daayay Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu Arbacadii dhaweyd ku celiyay hadal uu horay u sheegay oo ahaa inay Xukuumaddiisa wada hadal la geleyso Mucaaradka ka soo horjeeda, isla markaana ay kula hadleyso meel kasta oo ay joogaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia