4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2008
Dowladda Uganda oo Gaadiid ugu deeqday Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya

Axad, March 16, 2008(HOL):  Dowladda Uganda ayaa ugu deeqday Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya 8 gaari oo nooca Toyota Pick Up ah, kuwaasi oo ay Ciidamada Booliska u isticmaali doonaan howlgallada gurmadka ah.

Xaflad gaadiidkaas lagula wareejinayay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu qabtay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalay  Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, Taliyaha Ciidamada Amisom Jen. Francis Okelo, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidmada Amisom Jen. Francis Okelo oo ka hadlay xafladdii uu gaadiidkaas kula wareejinayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Gaadiidkaas uu qeyb ka yahay qalab ay Dowladda Uganda ugu deeqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo wax weyn ka tari doona howlgallada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Intaas kadib waxaa xafladda ka hadlay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in qalabka uga yimid dhinaca Dowladda Uganda uu yahay mid muhiim ah, wuxuuna mahadcelin u diray Dowladda Uganda iyo Ciidamada Amisom, isagoo weliba sheegay in Ciidamada Amisom ay kaalin lama iloobaan ah ka ciyaarayaan nabadeynta Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Furayaasha Gaadiidkan loogu deeqay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wareejiyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo markii uu furayaasha ka guddoomayay Jen. Francis Okelo ay xafladda ku wehlinayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia