4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2008
Xafiisyo ay leedahay Wasaaradda Caafimaadka Somailland oo la jabsaday

Axad, 16 March 2008 (HOL)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Md. Cabdi Haybe Maxamed ayaa daboolka ka qaaday in dad loo malaynayo inay doonayeen inay xadaan Dukumentiyo ay dorraad barqadii u soo dhaceen Xarunta Wasaaradda Caafimaadka oo ku taalla badhtamaha magaalada Hargeysa, isla markaana ay jabsadeen qaar ka mid ah xafiisyada Wasaaradda.

Wasiirka Caafimaadka Mudane Cabdi Haybe oo saxaafadda ugu warramayey xafiiskiisa ayaa sheegay Jimcihii oo aanay cidi shaqaynayn, abaaro 10:30 ilaa 11:00 inay wasaaradda yimaaddeen dad ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda, kuwaas oo uu sheegay in qaarkood lagu arkay iyaga oo dibadda taagan, qaar kalena ay u dhaceen gudaha wasaaradda, isla markaana ay jebiyeen xafiisyada maamulka ee Wasaaradda qaar ka mid ah.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray oo uu sheegay in la jebiyey dhawr xafiis oo kuwa maamulka ah oo ay ka mid yihiin Xafiiska Agaasimaha Maamulka, Xafiiska Agaasimaha Guud iyo Xafiiska Maamulka Lacagta oo Khasnaddu taallo, balse, waxa uu sheegay in aanay wax qalab iyo adduun ah ka qaadan xafiisyadaas. “Waxaad moodaysey inay Dhokumentiyo la raadinayey. Waayo, wasaaradda waxaa yaalley qalab badan oo Computer-ro iyo Laptob-yo iyo nooc walba leh. Alaabtaa waxba lagama qaadan, laakiin, waxay ahaayeen dad ujeeddooyin gaar ah leh oo alaab gaar ah - documents raadinaya,” ayuu yiri Wasiirku.

Waxa uu sheegay wax adduun ah in Sl.shs 600,000 (Lix boqol oo Kun oo Somaliland Shilings ah) in khasnadda lagala baxay.

Waxa uu sheegay in 1:00 duhurnimo loo soo sheegay, kadibna uu yimi Wasaaradda isaga oo wada ciidan boolis ah, isla markaana loo sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaraddu ay yimaaddeen, kuwaas oo uu sheegay in birta ay ku jebiyeen abaabada ay ka qaateen Goomiiste u dhow wasaaradda.

Waxana uu sheegay in raggaas qaarkood ay xidhan yihiin, qaar kalena boolisku su’aalo weydiinayo oo looga yeedhay xarunta CID-da.

Wasiirku waxa uu sheegay in boolisku baadhayo ciddii ka dambeysey arrinta iyo wixii laga qaatay wasaaradda, isaga oo xusay in ay tuhunsan yihiin documents la qaatay.

Wasiirka oo la weydiiyey in maadaama sida uu sheegay arrinta ay ku lug leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda oo ay ku jiraan xubno ka mid ah shaqaalaha sarsare ee wasaaradda in ay la xidhiidho khilaaf u dhexeeya madaxda Wasaaradda iyo shaqaalahaas, waxa uu sheegay in Agaasimaha Guud u sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha oo ka cadhaysan Siminaar ka socda Hotel Maansoor oo loo qabtay hawlwadeennada Wasaarada Caafimaadka ay telefoon ugu soo hanjabeen. Waxana uu xusay inay tuhunsan yihiin ducoments ka ay doonayeen ragga u soo dhacay Wasaaraddu ay yihiin kuwo ku saabsan mashaariicda hay’addaha.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland