4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2008
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka oo shir ku leh Muqdisho

Axad, March 16, 2008(HOL):  Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Guddiga Ammaanka Qaranka oo ka kooban Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayuu shir uga socdaa hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Ra’iisal Wasaaraha.

Shirkan oo ay albaabada u xiran yihiin ayaan la ogeyn waxyaabaha looga hadlayo, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in shirkan looga hadlayo ammaanka Dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan kan Magaalada Muqdisho.

Shirka ay leeyihiin Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xaaladda ammaan ee Magaalada Muqdisho ay tahay mid aan hagaagsaneyn, isla markaana ay xaalad cakirnaan ah ka jirto Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, kaasi oo ay xaaladdiisa ammaan xumaatay kadib markii uu noqday meel ay ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Wixii ka soo baxa shirkan oo haatan socda kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia