4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2008
Maxkamadaha Islaamka oo sheegtay in ay ka dambeeyeen weerar xalay lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah

Axad, March 16, 2008(HOL): Weerar xooggan oo xalay lagu qaaday fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho iyo daafaheeda ayaa waxaa sheegtay Maxkamada Islaamka.

Afhayeen ka  hadla howlgallada Maxkamadaha Islaamka oo lagu magacaabo C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay Ciidamadooda weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin inta u dhaxeysa Deegaanka Ceel Carfiid iyo Cali-yaale, halkaas ay ku dileen seddex askari oo ka tirsan Ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo sida uu sheegay gaadiidka iyo dadka safarka ah lagu dhibaateyn jiray.
 
C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu intaas ku daray in ay sidoo kale Ciidamadooda weerar gaadmo ah ku qaadeen Fariisimo ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Warshaddii baastada iyo Warshaddii Xeyla Bariise, wuxuuna sheegay in ay khasare gaarsiiyeen Ciidamadii halkaas ku sugnaa.
 
Mar wax laga weydiiyay wax khasaare ah oo dhinacooda soo gaaray ayuu sheegay C/raxiin Ciise Caddow in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray, wuxuuna sheegay in ay u bareereen in ay shacabka Somaaliyeed dhibaatada ka dul qaadaan, ayna u soo celiyaan xornimadooda.
 
Afhayeenka Howlgallada Maxkamada Islaamka C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay howlgalladan sii wadi doonaan sida uu u yiri ilaa dalka Soomaaliya laga xoreynayo cadawga ku soo duulay.
 
Mar la weydiiyay su’aal ku saabsaneyn waxa ay kala yihiin howlgallada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamka waxaa uu sheegay in ay isku mid yihiin, isla markaana ay Isbaheysiga Dib u xoreynta madax ka yihiin mas’uuliyiintii hoggaanka u ahayd Maxkamadaha Islaamka.

Ugu dambeyntiina,  Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo Warshaddii baastada iyo Warshaddii Xeyla Bariise oo xalay la weeraray ayaa saaka waxay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha u dhow fariisimadooda, inkastoo aysan wax dad ah ka helin meelaha ay ka howlgaleen oo la sheegay in ay yihiin xaafado ay dadkii deganaa mar hore ka barakaceen sabab la xiriirta in dhowr jeer dushooda lagu dagaalamay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia