4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2008
Maamulka Degmada Buur-Hakaba oo Degmadaas isaga baxay kadib markii ay ku soo dhawaadeen Xoogagga Al-Shabaab

Axad, March 16, 2008(HOL): Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay ayaa lagu soo waramayaa in ay Degmadaas isaga baxeen kadib markii uu soo gaaray war ku saabsan in ay weerar ku soo yihiin xoogag ka amar qaata Maxkamadihii Islaamka.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Buur-hakaba Liibaan Maxamed Cali ayaa sheegay in mas’uuliyiintii Maamulka Degmada iyo weliba Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaas ku sugnaa ay isaga baxeen, isla markaana ay aadeen dhinaca Degmada Baydhabo.
 
Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay howlgallo ka wadaan deegaano u dhow Degmada Buur-Hakaba, isla markaana ay qorsheynayaan in ay weerar kale ku qaadaan Degmadaas, taasi ayaana la rumeysan yahay in ay keentay in ay mas’uuliyiinta Degmada Buur-hakaba isaga baxaan halkaas.
 
Dhawaan ayay ahayd markii Xoogagga Al-Shabaab ay xili habeen ah la wareegeen gacan ku heynta Degmada Buur-Hakaba, isla markaana ay halkaas ku dileen Taliyihii Saldhigga Booliska Degmadaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yacquub.
 
Xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay howlgallo ka sameeyeen Wadada isku xirta Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Deegaanno u dhow Degmada Buur-Hakaba, iyagoo halkaasina ku dilay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Waa Degmadii labaad oo ay ka baxaan Mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna horay uga baxeen Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, kadib markii ay dhowr jeer degmadaas weerar ku qaadeen Xoogagga Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia