3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2008
Soomaalida UK oo ka qaybgalay Dibad-bax lagu diidan yahay Duulaanka Maraykanka ee dunida Muslimka.

Axad, March 16, 2008(HOL): Dad gaaraya 10,000 oo dibad-baxayaal ah ayaa waxaa ay isugu soo baxeen fagaaraha Trafalgar Square ee ku yaala Magaaladda London is ay u xusaan sanad guuradda 5aad ee kasoo wareegtay duulaankii dalkaasi Ciraaq lagu qaaday.
 
Dibad-baxayaashu waxaa ay ku dhawaaqayeen ama ay codsanayeen in Ciidamada dalalkaasi jooga ay isaga baxaan Ciraaq iyo Afqaanistan iyo xuduuda qaza in dib loo furo.
 
Inkastoo dadka intooda badan ay ahaayeen Dadyowga dalkan u dhashay ee sida wayn u diidan duulaankii ciraaq hadana waxaa si wayn uga qaybgalay Jaaliyadaha Ciraaq, Afqaanistaan, Flastiin iyo Soomaali.
 
George Galloway oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka dalkan ayaa waxaa uu halkaasi uga hadlay dhibaatooyinka ay Maraykanka iyo Britain ku hayaan dalalka Ciraaq iyo Afqaanistaan iyo duulaanka lala damacsan yahay dalka iiraan.
 
Sakariye Xaaji Maxamuud oo kamid ah Isbahaysiga dib u xoraynta ee lagu soo dhisay Asmara ayaa kamid ahaa Dadkii Soomaalida ee aan goobta kula kulmay isagoo si wayn uga hadlay Bur burka ay Ciidanka Ethiopia iyo Maraykanku ka wadaan dalka Soomaaliya.
 
Peer Baroness oo ka tirsan Liberal Democrat ayaa isna kamid ahaa Mas'uuliyiinta sida wayn u qeexay in ay jireen waxyaabo la is daba mariyay ka hor dagaalka intii aan lagu qaadin ciraaq.

Ridwaan Haji Abdiwali
[email protected]
London, UK













Click here
3/16/2008 1:14 PM EST
Axad, March 16, 2008(HOL): Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maxkamada Islaamka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea waxaa uu u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in aysan wax wada hadal ah la geleynin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3/16/2008 1:10 PM EST
Axad, March 16, 2008(HOL): Dowladda Uganda ayaa ugu deeqday Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya 8 gaari oo nooca Toyota Pick Up ah, kuwaasi oo ay Ciidamada Booliska u isticmaali doonaan howlgallada gurmadka ah.

3/16/2008 1:08 PM EST
Axad, 16 March 2008 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii u horaysay si rasmi ah u caddeeyay inuu Maraykanka ku martiqaaday inuu saldhig milatari ka samaysto magaalada Dekedda ah ee Berbera, oo uu sheegay inuu hore ugu lahaan jiray saldhig.

3/16/2008 1:05 PM EST
Axad, 16 March 2008 (HOL)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Md. Cabdi Haybe Maxamed ayaa daboolka ka qaaday in dad loo malaynayo inay doonayeen inay xadaan Dukumentiyo ay dorraad barqadii u soo dhaceen Xarunta Wasaaradda Caafimaadka oo ku taalla badhtamaha magaalada Hargeysa, isla markaana ay jabsadeen qaar ka mid ah xafiisyada Wasaaradda.

3/16/2008 6:47 AM EST
Axad, March 16, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Guddiga Ammaanka Qaranka oo ka kooban Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayuu shir uga socdaa hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Ra’iisal Wasaaraha.

3/16/2008 6:03 AM EST
Axad, March 16, 2008(HOL): Weerar xooggan oo xalay lagu qaaday fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho iyo daafaheeda ayaa waxaa sheegtay Maxkamada Islaamka.

3/16/2008 6:02 AM EST
Axad, March 16, 2008(HOL): Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay ayaa lagu soo waramayaa in ay Degmadaas isaga baxeen kadib markii uu soo gaaray war ku saabsan in ay weerar ku soo yihiin xoogag ka amar qaata Maxkamadihii Islaamka.

3/16/2008 6:01 AM EST
Axad, March 16, 2008(HOL): Waxaa saaka isku day lagu dili lahaa ka badbaaday Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Shiikh Maxamuud Qoor-leex, kaasi oo ay rag dhalinyaro ah ay bambo gacmeed ku tuureen meel uu ku sugnaa.

3/16/2008 5:59 AM EST
Axad, March 16, 2008(HOL): Hay'adaha Samafalka ka howl-gala ee ka howl-gala Gobalka Hiiraan iyo Ururadda aan Dowligga aheyn ayaa siweyn ugu howlan wax ka qabashadda xaaladda caafimaad ee dadka uu soo ridanayo cudurka Shubanka oo 48 Saac ee la soo dhaafay ku dhacay in badan oo ka mid ah Caruurta ku dhaqan Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaaladda Beledweyne.