4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2008
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in aaney jirin cid uga qeybgashay Shirkii Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ka dhacay Dalka Uganda

Sabti, March 15, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada Entebbe ee Dalka Uganda aaney jirin cid uga qeybgashay oo Isbaheysiag meteleysay.

"Majirto cid uu Isbahaysiga dib-u-xoreynta u dirsaday shirkii ka dhacay Dalka Uganda, horay ayuuna Isbaheysiga u caddeeyay mowqifkiisa”ayuu yiri Saleebaan Colaad Rooble oo ah Guddoomiyaha Guddiga Wacyigelinta iyo Warfaafinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Saleebaan Colaad Rooble waxaa uu sheegay in ay warbaahinta Soomaalida qaarkeeda ka maqleen in xubno ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay ka qeybgaleen Shirkii Uganda ka dhacay, wuxuuna sheegay in aanu warkaas waxba ka jirin, “Aragtida Isbaheysiga ee Shirkaas horay ayuu Warbaahinta iyo Dowladad Uganda ugu caddeeyay, waana shir loogu talagalay in lagu sii fogeeyo jahawareerka uu awalba dalka ku jiray, waana ka soo horjeednaa  wixii aan u adeegeynin maslaxadda Umadda oo ay shisheeye iyo NGO-yadii qeybta ka ahaa mushkiladda dalka ay gadaasha ka riixayaan”ayuu yiri Saleebaan Colaad Rooble oo sheegay in ay beesha caalamka ugu baaqayaan in aan la isku mashquulin tallaabooyinka aan horseedeynin wanaag in ay wax sii murjiyaan mooyee, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kalena, Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dad ku tabaaleysan gudaha Soomaaliya oo ay isugu biireen cudurro iyo abaaro, wuxuuna Isbaheysiga si gaar ah ugu baaqay Guddiyadii iyo Hay’adihii Gurmadka abaaraha in ay u gurmadaan meelaha abaaraha iyo Cudurrada laga soo sheegayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia