4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2008
Dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho

Sabti, March 15, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa goor dhaweyd waxaa uu ka dhacay xaafado ka mid ah Degmada Yaaqshid, gaar ahaan nawaaxiga Fariisimo ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku leeyihiin Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyla Bariise.

Dagaalkan oo madaafiicda la isugu adeegsanayo, lagana maqlayay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho oo ka fog halka uu dagaalka ka dhacay ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Sidoo kalena, waxaa la soo sheegayaa in uu iska hor-imaad kale caawa ka dhacay fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xeradii Maslax oo dhanka Waqooyi kaga toosan Suuqii Xoolaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina sidoo kale la isugu adeegsaday hub culus.

Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha uu dagaalkan geystay, waxaana taasi ugu wacan iyadoo xiliga uu dagaalka dhacay ay ahayd xili uu sii dumayay gabalka, isla markaana ay dadkii deganaa mar hore ka barakaceen halka uu dagaalka ka dhacay.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa marka habeenkii la gaaro waxaa ka dhaca iska hor-imaadyo dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hueysan oo ka soo horjeeda, iyadoo iska hor-imaadyadaasna ay sii socdaan muddo sanad iyo dheeraad ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia