4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2008
Dad Rayid ah oo ku waxyeeloobay Rasaas ay fureen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Isgoyska Howl-Wadaag

Sabti, March 15, 2008(HOL): Qof Rayid ah ayaa geeriyooday, Seddex kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii ay haleeshay rasaas ay rideen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Isgoyska Howl-Wadaag oo inta badan laga galo Suuqa Bakaaraha.

Qofka dhintay oo ka tirsanaa Xifadlayaasha Gaari Dameerka uga xamaasha Suuqa Bakaaraha ayaa waxay rasaasta haleeshay isagoo goynayay Wadada Koowaad ee Suuqa Bakaaraha, halka seddex ruux ee dhaawacantayna ay iyana rasaasta ku haleeshay isla Wadadaas.

Sidoo kalena rasaasta ay ridayeen Ciidamada Dowladda ayaa waxay waxyeello ka soo gaartay mid ka mid ah saxamada ay isticmaasho Shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia, kaasi oo ay ku dhacday rasaas ay soo rideen Ciidamo ku sugan Isgoyska Howl-Wadaag.

Marka laga soo tago rasaastaas waxyeellada geysatay ee ay ridayeen Ciidamada Dowladda, sida kale xaaladda Suuqa Bakaaraha maanta waa ay deganeyd, si caadi ah ayayna dadka u wateen howlahooda ganacsiga.

Dhanka kalena, waxaa maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho Guddiga ganacsatada Gobolka Banaadir, kaasi oo ka shirayay xaaladda Suuqa Bakaaraha iyo sidii loogu sameyn lahaa Ciidamo u gaar ah oo ammaankiisa suga, walow shirkii maanta aysan wax go’aanno ka soo bixin marka laga reebo in uu guddiga shirar kale isugu imaan doono.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia