Hargeysa oo mar kale ku waaberiisatay Waraabe Qoorta laga jaray oo la dhigay mid ka mid ah Xaafadaha Magaaladaas

Sabti, March 15, 2008(HOL): Xaafado ka mid ah magaalada Hargeysa ayaa, markale lagu arkay meydka Waraabe qoorta laga jaray oo lagu tuuray xaafad ka mid ah magaalada dhexdeeda, taas oo dadweynaha xaafaddaas argagax iyo baqdin gelisey.

Xaafadda Cabbaaye ee Waqooyiga magaalada Hargeysa ayaa subaxnimadii hore lagu arkay Waraabe Qoorta laga jaray oo lagu tuuray Sariibad xaafaddaasi leedahay agteeda, waana markii labaad ee Waraabe noocaas oo kale ah lagu arko xaafadaha Hargeysa dhexdeeda, iyada oo Toddobaadkii horena Waraabe sidan oo kale madaxa laga jaray, lugahana xadhig ama taar kaga xidhan yahay lagu arkay xaafadda Oktoobar ee Waaxda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Waraabayaashaa oo Maydkooda goor habeennimo ah la dhigo xaafadaha lagu arkay, waxay shaki, baqdin iyo argagax ku rideen dadweynaha xaafadaha Hargeysa oo isweydiinaya dhacdadan oo ah mid aan hore loo arag. Waxayna dad badani u arkaan in loo isticmaalay Waraabayaashaas Sixir. Sidaas darteedna, waxa lagu gubey Waraabayaashaas mid walba goobtii la dhigay, kadib markii dadka xaafaddu isugu soo baxeen, isla markaana ay la tashadeen culimada iyo odayaasha.

Waraabahan habeen hore lagu arkay xaafadda Cabbaaye ayaa la sheegay in isaga aan qoorta laga jarin, balse, la diley, kadibna dhegaha laga jaray, iyada oo dadka qaarkood sheegayaan in sidoo kale carabka laga jaray.

Ilaa iyo hadda lama ogaan ujeeddada ka dambaysa dilka waraabayaashaas xaafadaha dhexdooda lagu arkay iyo cidda dhigtay ama dishey midna.

Warar aan sugnayn ayaa sheegaya in hal nin loo qabtay tuhun la xidhiidha Waraabayaashaas xaafadaha dhexdooda la dhigo, iyada oo sida la sheegay ay daba joogaan culimada Wanaag-farista iyo xumaan reebista.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.






Sabti, March 15, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada Entebbe ee Dalka Uganda aaney jirin cid uga qeybgashay oo Isbaheysiag meteleysay.

Sabti, March 15, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa goor dhaweyd waxaa uu ka dhacay xaafado ka mid ah Degmada Yaaqshid, gaar ahaan nawaaxiga Fariisimo ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku leeyihiin Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyla Bariise.

Sabti, March 15, 2008(HOL): Qof Rayid ah ayaa geeriyooday, Seddex kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii ay haleeshay rasaas ay rideen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Isgoyska Howl-Wadaag oo inta badan laga galo Suuqa Bakaaraha.

Sabti, March 15, 2008(HOL): Tuuladda Ceel-baraf ee Gobalka Shabelada dhexe ayaa waxaa lagu qabtay kulan qaatay Muddo labo cisho ah oo ay ka wadda qeyb-galeen odayaal iyo wax-garad ka kala tirsan Beelaha Xawaadle iyo Abgaal kaa oo lagu soo gabo gabeeyay hishiis kama danbeys ah oo ay gaareen Wax-garadka labada Beelood.

Sabti, March 15, 2008(HOL): Banaanbaxyo lagu taageerayay baaqii dib u heshiisiinta ahaa ee uu dhawaanahan sii deynayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa maant a ayaa maanta wuxuu ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sabti, March 15, 2008(HOL): Qiimo koror ku yimid Shidaalka ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa heysta adeegyada aan isticmaalkooda looga maarmeynin Korontada.

Sabti, March 15, 2008(HOL): Shirkii ay madaxda Wadamada Islaamka ku yeesheen Dalka Senegal ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, iyadoo gunaanadkii shirkaasna laga soo saaray baaq ku saabsan in wax laga qabto xaaladda dalka Soomaaliya.

Somali News

3/15/2008 11:50 AM EST
A 38 year-old man was remanded into custody once more by Stockholm district court on Friday suspected of preparing acts of terrorism.

3/15/2008 11:41 AM EST
A teenager has died after being shot in an incident in south London. The 19-year-old, who is black, was rushed to a south London hospital after being discovered with gunshot wounds in the Stockwell area but died in the early hours of Saturday morning.

3/15/2008 11:38 AM EST
A gunfight in a North York housing complex has left one man dead and five in hospital - one with life-threatening injuries.

3/15/2008 10:40 AM EST
Mitchells Plain traders protested on Friday following an earlier "brutal" raid on the Town Centre, but police say they will act again because the area is a hotbed of crime.

3/15/2008 10:24 AM EST
When physician Jay Shake halted his Wednesday morning commute to resuscitate a little girl caught in a brutal Interstate-94 crash in Woodbury, the girl's mother was beside him, uttering one wish:

3/15/2008 10:16 AM EST
Somalis who allegedly underwent xenophobic attacks in South Africa last week are asking the government to repatriate them to their home country.

3/15/2008 10:08 AM EST
newsinsideNairobi, 14 March 2008 - The United Nations Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah has said he is very pleased by the positive reaction from a number of interested Somali parties,

3/15/2008 9:58 AM EST
One man is confirmed dead and five others wounded in a shooting at a North York housing complex last night.One resident said he heard that the youths were "playing with their guns" when the gunfire broke out just before 10 p.m. in the Dufferin St. and Lawrence Ave. W. area, south of Yorkdale Shopping Centre. Another said the incident may have been triggered when one gun accidentally fired, prompting others in the group to return gunfire.
Click here