4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2008
Beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo gaaray Heshiis kama dambeys ah oo lagu dhameynayo Colaad u dhaxeysa Labada Beelood

Sabti, March 15, 2008(HOL): Tuuladda Ceel-baraf ee Gobalka Shabelada dhexe ayaa waxaa lagu qabtay kulan qaatay Muddo labo cisho ah oo ay ka wadda qeyb-galeen odayaal iyo wax-garad ka kala tirsan Beelaha Xawaadle iyo Abgaal kaa oo lagu soo gabo gabeeyay hishiis kama danbeys ah oo ay gaareen Wax-garadka labada Beelood.
 
Kulanka Labadda dhinac oo wajigiisii hore ka dhacay Tuuladda Moqokori ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb-galay Wax-garad ay kala hogaminayeen Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo Imaam Max'uud Imaam Cumar oo markii danbe u saaray sidii loo sii anba qaadi lahaa hishiiska Guddi ka kooban labadda Beelood.
 
Hishiiska lagu soo gabo gabeeyay Tuuladda Ceel-baraf oo ay soo qaban qaabiyeen Gudigii lagu soo dhisay kulankii Moqokori ayaa ugu danbeytii waxaa ay soo saaray qodobo muhiim ah si markaa meesha looga saaro colaad danbe oo soo noqota sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah Wax-garadkii ka qayb-galay kulanka.
 
Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka laga soo saaray ayaa waxaa saldhig looga dhigay shareecadda Islaamka sida:

  1- In la waafajiyo shareecadda Qofkii dil geysta.

2- In muddo kooban lagu celiyo hatidii lagu kala dhacay colaadii dhaxmartay labadda Beelood

 3- In si wadda jir ah xooga loo saaro joojinta colaada meel kasta oo ay kuwada dhaqan yihiin Beelaha

 4- In sidda ugu dhaqsiyaha badan labadda dhinacba Magdhaw looga bixiyo hantidii ku bur burtay dagaaladii dhaxmaray labadda Beelood,  iyo waliba In muddo bil ah lagu hergliyo dhaqan galka hishiiska la gaaray.
 
Inkastoo hishiiska lagu gaaray Tuuladda Ceel-baraf ee Gobalka Shabelada dhaxe la oran karo waa mid saldhig u ah kulankii horay ugu dhax-maray Duubabka labada Beelood Tuulada Moqokori ayaa hadana waxaan la ogeyn sida uu uga hergali karo dhulka ay ku wadda dhaqan yihiin reer Miiga labada Beelood, waayo waxaa xusid mudan in wixii ka danbeyay kulankii ka dhacay tuuladda Muqokori ee Gobalka Hiiraan uu dhaxmaray labada dhinaca dagaalo ku saleysnaa aargoosi qabiil oo ay ku dhinteen dad xoole dhaqto dhaqato ah.
 
Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo ka mid ahaa ka qeyb-galaashii kulankii Moqokori oo ay HOL weydiisay sida looga dhaqan galin karo hishiiska la gaaray dhulka balaaran ee reer Miiga ayaa sheegay in la saari doono guddi aritaa daba gal ku sameeya, waxaana uu intaa ku daray in qodobada lagu hishiiyay qaarkooda ay meesha ka saarayaan in si sahlan mar kale dilalku u dhacaan.
 
Inta badan dagaaladda ka bilaawda Xoolaha la kala dhaco iyo daaqsin wadaag ah ayaa ah kuwo lagu jahwareero sidii loo soo afjari lahaa madaama dadka reer miiga ah yihiin kuwo aan war iyo wacaal toona u aheyn wax yaabaha laysku afgarto ama lagu hishiiyo, waana wax dhici kara in mar walba dilku halkiisa ka sii socddo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia