4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2008
Shirkii Wadamada Islaamka ee Senegal lagu qabtay oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya

 Sabti, March 15, 2008(HOL): Shirkii ay madaxda Wadamada  Islaamka ku yeesheen Dalka Senegal ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, iyadoo gunaanadkii shirkaasna laga soo saaray baaq ku saabsan in wax laga qabto xaaladda dalka Soomaaliya.
 
Madaxdii Islaamka ee shirkaas ka qeybgashay ayaa waxay sheegeen in xaaladda Soomaaliya ay taagan tahay heer aan laga aamusi karin, waxayna ku baaqeen in laga shaqeeyo dib u soo celinta nabaddii Soomaaliya, sidoo kalena gacan laga geysto dib u dhiska dalka iyo gargaar bani’aadannimo oo lala gaaro dadka u baahan.
 
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shirkaas ka qeybgalay ayaa la sheegay in uu soo dhaweeyay go’aanka ay madaxda dalalka Islaamka ka qaateen Arrimaha Dalka Soomaaliya.
 
Xaaladda Soomaaliya ayaa mar kasta waxaa looga hadlaa shirar ay yeeshaan madaxda Ururrada ay Soomaaliya ka mid tahay, iyadoo gunaanadka shirarkaasina laga soo saaro baaqyo ku saabsan in wax laga qabto xaaladda Dalka Soomaaliya.
 
Waxaa xusid mudan in baaqyada laga soo saaro arrimaha Soomaaliya ay noqdaan kuwo aan dhaafin miiska wada hadalka ee shirka la qabtay, waxaana la xusuusan yahay in ay dhaceen shirar tiro dhaaf ah, kuwaasi oo qaarkood lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, isla markaana noqday kuwo aan la fulin qodobadii ka soo baxay.

Soomaaliya ayaa muddo 17 sano ka badan waxay ku jirtaa xaalad fowdo iyo nidaam la’aan ah, iyadoo mudadaasna la sameeyay dhowr isku day oo la doonayo in Soomaaliya looga bixiyo dowlad la’aanta ay ku jirto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia