Shineemo ku taala Degmada Afgooye oo Qarax Bambaano lagu weeraray

Talaado, March 11, 2008(HOL): Bam kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa waxaa lagu weeraray shineemo ku taalla ku yaalla Degmada Afgooye oo ay xilligaas ku jireen daawadayaal badan; mana jirto cid wax ku noqotay Shineemada dhexdeeda.

Qaraxa oo laga maqlay gudaha degmada Afgooye ayaa waxay sheegeen dadka degmadaas inuu ahaa bamka gacanta laga tuuro, iyadoo dadkii ku jiray shineemada ay kala firxadeen markii uu bamkku qaraxay.

Mid ka mid ah daawadayaashii shineemadaas oo cararay markii uu qaraxu dhacay ayaa yiri: "Waxaan maqlay qarax weyn; waxaana naga buuxsamay qashin iyo ciid is wata, waxaana u orday dhanka albaabka, anigoo argagaxsan ayaana ka baxay gudaha shineemada".

Milkiilayaasha Shineemadaas ayaa waxaa la sheegay in dhowr jeer loo digay balse ay dhegaha ka fureysteen, waxaana xalay la weeraray shimeenaadaas oo ku taalla xaafadda Xaawo-taako ee Degmada Afgooye.

Dhanka kale, waxay kooxo hubeysan xalay dhaawac ugu geysteen gudaha Afgooye mid ka mid ah dadka ku shaqeysta mootooyinka oo magaciisa lagu soo koobay Maankaaloow; iyadoo dhaawiciisa la dhigay isbitaalka degmada Afgooye.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee keentay in la dhaawaco ruuxaan shibilka ah oo aan la sheegin inuu ku jira siyaasadda; waxaana ka la sheegay in lagu dhawaacay rasaasta bastooladda.

Maamulka Degmada Afgooye ayaan gabi ahaan ka hadlin falalkaas xalay ka dhacay gudaha degmadaas, waxaase goobaha ay falalka ka dhaceen la geeyay booliis fara badan, kuwaasoo dadka su'aalo weydiinaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia