![]() |
|
Magaalada Nashville ee Gobolka Tennessee |
Koox hubeysan ayaa habeenimadii arbacada waxa ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Allaha u naxariistee Hassan Osman isaga oo sii galayey gurigii uu dagnaa mar uu salaada cishaha ku soo tukaday masaajid aan gurigiisa sidaa uga dheerayn, kooxdaan hubeysan ayaa waxa ay marxuumka ku dhufteen dhowr xabadood, dhaawaciisa ayaa la geeyay Vanderbilt University Hospital halkaas oo uu ku geeriyooday
Allaha u naxariistee Hassan Osman oo ahaa 28-jir ayaa waxa lagu tilmaamey in uu ahaa nin aad u firfircoonaa bulshada dhaxdeeda, aadna u jeclaa in mar walbaa salaada ku soo tukado masaajidka, sida uu ii sheegay Nuuradiin Osman oo ah Marxuumka walaalkiis
Booliska magaalda
Maalintii Jimcaha ee xigatay ayaa waxaa shil baabuur ku geeriyood will kale oo soomali ah, shilkan ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaalda
Allaha u naxariistee Maxamed Cabdiwali ayaa waxaa lagu aasay magaalda
Waxeey naxdintii ku sii badatay dadkii ku dhaqanaa magaalda Nashville markii ay ka war heleen dhimashada labo dumar soomali ah iyo mid dhaawac culus soo gaaray kadib markii gaarigii ay wateen uu ku dhuftay tareen kuwa xamuulka qaado ah gudaha magaalda Nashville.
Shilkaan oo dhacay subaxnimadii axada waxaa ku geeriyooda allaha u naxariistee Hooyo Nimco Guunbe iyo Barwaaqo Liibaan, gabadha dhaawaca gaaray ayaa magaceedu yahay Rooda sida uu ii sheegay Yasin Saalax oo ka mid ah soomaalida degan magaalada
Sababta shilka ayaan wali cadeyn, booliska iyo waaxda danbi baarista ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in qofkii gaariga waday uu iska indha tiray calaamadaha sheega in uu soo socdo tareenka, wali waxaa socda baaritaan lagu hayo sida uu shilkan u dhacay.
Gobolka
A.Jahweyn, HIIRAAN ONLINE
