Talaado, June 24, 2008(HOL: Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Xasan Macallin Axmed Biicole ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay Ciidamo dheeraad ah u dirto Magaalada Baydhabo.
Xasan Biicole oo Saxafiyiin kula hadlayay Magaalada Baydhabo wuxuu sheegay in sababta ay Ciidamada dheeraadka ah u codsanayaan ay tahay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Baydhabo oo uu sheegayay in ay dhawaanahan ku soo badanayeen falal nabadgelyo darro ah.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in haddii aan Ciidamo dheeraad ah loo helin Magaalada Baydhabo ay suurtagal tahay in ay sii kordhaan falalka nabadgelyo darrada ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Baydhabo ay gaartay in la weeraro mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo guryo deegaan ah ku leh Baydhabo.
Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Gobolka Bay ayaa waxaa fariisin KMG ah ku leh Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay ku yaalliin Guryo ay degan yihiin seddex mas'uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha aysan guryahaas si rasmi ah u deganeyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia